Dagaal dib Muqdisho uga qarxey.
Dagaal xoogan, hubka noocyadiisa kale duwana la isu adeegsanayo ayaa saaka aroortii hore dib uga qarxey qaar ka mida Degmooyinka Bari ee Magaalada Muqdisho, waxa uuna u dhaxeeyaa Ciidamada Xarakada Shababul Mujaahidiin iyo kuwa DKMG oo kaashanaya Madaafiicda AMISOM.
Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii fariisimo ciidamada DKMG uga sugnaayeen agagaarkii Dekadii hore ay weerar ku qaadeen kuwa Xarakada Al-shabab, sida ay Saxaafada qaar u sheegeen Saraakiil ka tirsan Al-shabab.
Daryanka hubka kale duwan ee labada dhinac is weydaarsanayaan ayaa laga maqlayaa qeybo badan oo Magaalada ka mida, si rasmiyaana looma oga khasaaraha kala gaarey dhinacyada dagaalku u dhaxeeyo.
Waxaa jira madaafiic xoogan oo ciidamada AMISOM ku garaacayaan goobo ka baxsan halka dagaalku ka socdo, ayna ka dhasheen khasaarooyin Naf iyo maalba isugu jira oo soo gaarey dadka rayidka.
Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku dhintey 4 kalena dhaawacyo kale duwana ayaa ka soo gaarey duqeyntan oo dhamaantood ah rayid, kuwaas oo guryahooda Madaafiicdu ugu tagtey.
Waxaa jirtey Duqeyn teel teela oo tan iyo xaley socotey kuna dhacaysay qeybo kale duwan oo Magaalada ah, si rasmiyaana aan loo ogeyn khasaaraha ka dhashey.
Dagaladan dib Saaka Magaalada uga qarxey ayaa daba socda kuwo beryihii ugu danbeeyay ka socdey ayna ka dhasheen khasaarooyin lixaadle oo soo gaarey dadka rayidka, sidoo kalena tiro kale oo badana ku barakaceen.










