Published On: 4 July 2010 8:43 am

Lamaane kala lumay 6 sano ka hor oo dib isu helay

Liibaan iyo shamso waxeey ahaayeen lamaane is jecel oo isku xaafad ah hadana wax isla soo bartay maadaama eey deris ahaayeen waxeey yaraantoodi isla soo dhigteen dugsiga quraanka kedib markii eey dhameeyeen quraanki ayeey hadan si wada jir ah u bilaabeen iskuulka maxamuud xarbi ee degmada wardhiigleey.
Liibaan iyo shamso waxeey isla soo mareen marxalado kala duwan oo ku saabsan noloshooda
Sanadii 2004 ayeey kala lumeen liibaan iyo shamso oo ahaa lamaane nolosha isku jecel kedib markii shamso waalidkeed eey ku qasbeen nin eeysan rabin oo dibada ka yimid lacag badana siiyay cideeda si uu ‘u guursado shamso.
Shamso waxeey u sheegtay cida eey ka dhalatay in eey is jecelyihiin liibaan oo cida dhan eey yaqaaniin maadaama uu deganyahay albaabka kasoo horjeeda gurigooda. waxeeyna ku andacootay in eeysan rabin ninka soo doontay ee raba in lagu daro.
Laakiin nasiib xumo shamso waalidkeed jaceylka shamso iyo waxaas oo dhan uma muuqan ee waxaa u muuqday lacag iyo ninka dibada ka yimid ee lacagta badan la guuxaya.
Shamso warkeeda cidi dheg jalaq uma siin ee waalidkeed wexeey ku dhaheen ninkaan hebal ah waa ina adeerkaa wuxuuna ka yimid dibadaha mid ka fiican noo keeni meeysid ee waa in aad aqbashaa iskuna diyaarisaa arooskaada.
Intaas markii eey dhexmartay shamso iyo waalidkeed ayeey shamso u sheegtay liibaan waxa kusoo kordhay nolosheeda. Laakiin liibaan niyada ayaa ka jabtay oo wuxuu is yiri meeshii libaax soo galo lo’o ma joogi karto macnaha adigoo maskiin ah oon waxba heeysan nin qaarad kale ka yimid oo xoogaa doolar ah jeebka ugu jirto isku fac matihiin ee maradaada garabka saaro meeshana isaga hadaaf.
Shamso oo welwelsan wexeey sameeysana garanla ayuu liibaan ku yiri waxba ha welwelin xageeyga waa ka fasaxantahay ee wixii cidaadu ku tiraa yeel intii lagu habaari lahaa.
Shamso waa ka xanaaqday hadalkaas kamana sugeeyn liibaan in uu sidaas ula hadlo sababtoo ah jaceylkeedu wuxuu ahaa mid run wax alaale iyo wixii uu markaas liibaan ku qanco ayeey sameeyn laheeyd xataa hadii uu yiraa dibjir ila noqo diyaar beey u aheeyd
waxeey ka fileeysay liibaan in uu ku yiraa nakeen si qarsoodi ah ayaan masaafo u aadeeynaaye ama nakeen aan aqal galnee si aad uga badbaado ninkaan lacagta lulaaya.
Allow qof aan wax ogeeyn ha cadaabin ma oga in liibaan uu niyad jabay mar hadii uu maqlay nin lacag wata ayaa soo doontay shamso.
Shamso waxaa ku dhacay shook ayadoon dheg la qabta laheeyn ayeey guriga ka carartay waxeeyna isku diyaarisay tahriib dheer ilaa iyo sacuudi carabiya safar iyo socdaal dheer ayeey soo gashay boqortooyada sacuudi carabiya magaalada jiddah. in mudaa ayeey iska joogtay halkaasi ayadoon meel ku sheegin jaceylkeedi liibaan iyo Reerkii eey ka dhalatay midna.
Liibaan oon weli iloobin jaceylki shamso meelna ku ogeeyn shamso halkii eey jaan iyo cirirb dhigtay niyadiisana ciilkaanbiya markii eey kusoo dhacdo fudeedki eey ku dhaaftay maalintaas shamso ayaa isna dar illaaheey usoo tahriibay dalka sacuudi carabiya nasiib wanaag isla magaalada jiddah ayuu soo caga dhigtay.
Maalin maalmaha ka mida ayaa liibaan laga casuumay aroos ka dhacaayay meel aan sidaas uga fogeeyn gurigiisa si heer sare ah ayuu usoo lebistay arooski laga casuumay ayuu yimid kuleel badan ayaa jiray maalintaas wuxuu fariistay kursi yiilay albaabka hore guriga aroosku ka dhacaayay
cabaar markuu fadhiyay ayaa mar qura indhihiisu qabteen shamsadii uu yaqiin oo ayaduna ka mid aheeyd dadkii arooska laga casuumay wax aan dhici karin ayeey la noqotay liibaan indhihii iyo afkii ayaa kala tegay wuxuu is yiri waad waalatay ama riyo ayaad ku jirtaa macquul ma ahan 6 sano kedib in aad nolol ku hesho shamso.
Shamso ayaduna markii eey indhaha ka qaaday waxeey mooday in uu yahay qof u eg ee uusan liibaan aheeyn halkii eey taagneed ayeey kasoo dhaqaaqi weeysay albaabkii laga soo geli lahaa arooska ayeey xiriin dadkii waa la yaabeen 2 qof ee aan albaabka dhaafin horana ma adaan jidkana kama leexdaan ee sidii dad dhulku ku dhegay ayaa qofba meel taaganyahay.
hadalki ugu horeeyay wuxuu kasoo baxay afka liibaan asigoo yiri waxaad iga luntay 6 sano ka hor isma laheeyn nolosha waad arkeeysaa shamso!
Shamsana waxeey tiri waa leeysku soo noqon wixii nool aduunyada. Ayadoo aan la qiyaasi karin farxadeeda Maalmo yar ka bacdi waxeey qaban qaabiyeen arooskoodi guri iyo gole eey xur uyihiin ayeey samo ku yagleeleen samir iyo dulqaad badan kedib Sidaas ayeeyna dib isugu heleen lamaane aan meelna isku sheegin muda dhan 6 sano.
Waxaa qortay Jamila Hassan Garuun (Jaamii) uk Email jamilagaruun@hotmail.com

Waxaa qortay Jamila Hassan Garuun (Jaamii) uk
Email jamilagaruun@hotmail.com

Isha: Jaceylka.com