Nimco Dareen: Ragga meel aan ka galo ayaan la` ahay
Fanaanada da`da yar ee Somaliyed Nimco Cabdi(Nimco Dareen) ayaa ku caan baxday qoob ka ciyaarkeeda laga soo min guuriyay reer galbeedka .
Waxana taasi u sii dheer iyadoo ragga Somaliyeed ku so jiidatay qaabka labiskeeda taasi oo banaanka soo dhigeysaa haween-nimadeeda , waxa ayna taasi ka dhigtay in rag badan isha la raacaan .
Nimco Dareen oo xitaa dadka u dhaga nugul heesaheeda waxa ay hoosta ka calaamadeyeen in shanqarta cod ee ka soo baxeysa qaar ka mid ah heesaheeda in ay ragg badan soo jiiteen , waxa ayna horay uga tuntay dhowr caasimadood oo dunida ah .
Nimco ka sokoow Somalida ay u tuntay waxaa cirka isku sii shareeray qayladhaanta tilmaameysa qaabka jilicsan ee jirkaada uga cayaarsiiso xiliga ay heesaha ku jirto .
Nicmo Dareen waxa ay haatan u nugulaatay in dareenku uu jeclaado sida ay xaqiijisay , iyadoo sida ay uga dhaq-dhaqaajiso gacmaheeda iyo lugaheeda qurxoon noqdeen mid indho badan soo jiitay .
Fanaanadaan da`da yar waxa ay ku caan baxday heesaheeda jaceylka ee roomaansiga ah , iyo qaabka ay u so habeeyso jirkeeda iyo labiskeeda .
Nimco mararka qaar kama tagto xiliga heesaha ay qaadeyso dhoola cadeynta loo baahan yahay taasina dareemaha loo qaadaya ayay cirka ku sii shareertay .
Al-Fanaanah Dareen waxa ay haatan ku nooshahay magaalada London ee dalka Ingiriiska , waana qaxooti ka soo carartay waqooyiga Somaliya, waxa ayna fanka iyo heesaha ku bilaawday qolkeeda london iyo kuraas banaan ugu dambeyntiina waxa ay ku dhiiratay in kumanan qof ka hor heesto.
Nimco Dareen waxa ay haatan sheegtay in ay qaati ka taagan tahay oo ay ku jahwareertay ragga xiliga ay mareyso wadooyinka u dhaw gurigeda iyadoo ay taasi ay u sii dheer tahay dhambaalada jaceyl ee loogu soo gudbinayo taleefankeeda gacanta iyo emailkeeda.
Waxa ay intaasi ku dartay in habeen iyo maalin ay ragg badan la soo xariiraan kuwaasi oo ka dalbanaya in xariir jaceyl la sameyso oo macaanka nolosha dhadhamiyaan .
“Uma aabo yeelayo dhagna uma dhigayo damaca waalan ee raggaasi , waxaana taasi iga sii daran waxaan ku jahwareersanahay in aan doorto ninkii nolasha aan la wadaagi lahaa”, sida waxaa tiri nimco dareen .
Inta badan heesaha ay ku luqeyso fanaanadaan da`da yar waxa ay u u dhaw yihiin qaabka ay u heesaan labada fanaan ee carbeed ee u kala dhashay dalalka Masar iyo Tunisa Roobi iyo Najlaa.
Waxaa xusid mudan in qaabka ay u soo muuqaato fanaanadaan ay ka taagan tahay mowjado dood ah iyadoo heesaheeda qaar ay banaan yihiin jirkeeda, taasina dhaqanka Somaliyeed iyo mid islaamka u hareer mar yahay sida ay qaabaan qaar ka mid ah Dadka daawaday heesahaeeda
Isha: calanka.com










waa runteeda ragu waa dheg dheg badan yahiin, Nimco Iska ilaali
Isse. Adigaa fanaane ha isyeelyeelin. Waad taqaanaa ms dareen
salaamad, waar manaa maqalayba iyada iyo heeseheeda toona maxay ragga u madax goosanaysaa idinkoo raali ah gaadhsiiya in aan la ogeynba. thank you