Shir Looga Hadlaayay Arimaha Gobolka Sanaag Oo Ka Dhacay degmada Badhan
Shir looga hadlaayay arimaha gobolka Sanaag ayaa saaka ka dhacay degmada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag,waxaana kasoo qaybgalay masuuliyin kala duwan.
Masuuliyinta kasoo qaybgashay kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka arimaha gudaha Puntland Jeneraal Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilka jiir,Wasiiru dowlaha amniga Cali Saalax Xamari,Wasiir kuxigeenka dekadda Abshir Siciid Saalax,Xildhibaano iyo maamulka gobolka Sanaag oo uu horkacaayay Guddoomiyaha gobolka Maxamuud Siciid Nuur,waxaana goobjoog ka ahaa sidoo kale Odeyaal,Haween iyo Ururada Bulshada rayidka.
Kulanka ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Odeyaasha iyo Nabadoonada oo ku dheeraaday amaanka guud ee gobolka iyagoo soo jeediyey in maamulka iyo dadweynaha ay isaga kaashadaan sugida nabadgalyada guud taasna ay tahay arin muhiim ah.
Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Nuur oo isaguna halkaas si kooban uga hadley ayaa sheegay in amaanka gobolka iminka ay tahay mid wanaagsan isla markaana maamulka iyo shacabka ay isaga kaashadeen.
Wasiiru dowlaha amniga Puntland Cali Saalax Xamari ayaa halkaas kasoo jeediyey khudbad uu kaga hadlaayay muhiimada ay leedahay in lagu noolaado amaanka,wuxuuna sheegay bulshada oo dhan looga baahanyahay in maamulka ay gacan ka siiyaan sugida amaanka soona sheegaan wax weliba ay ka shakiyaan.
Wuxuu ku eedeyey Saxaafada in ay buun buuniyaan siduu sheegay waxyaabo aan loo baahnayn,isagoo ugu baaqay dhamaan bahda Saxaafada in ay maamulka kala shaqeeyaan arimaha amniga.
Wasiirka arimaha gudaha ee Puntland Gen.Cabdulaahi Ilka jiir oo ku dheeraaday khudbada ayaa sheegay in socdaalka ay ku joogeen gobolka ay dhowaan soo gaba gabaynayaan,wuxuuna xusay in hadafka ay u yimaadeen gobolka ay ku guuleysteen una u hirgelay.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo ka qaybgalay kulan kana soo jeeda gobolka ayaa ugu baaqay maamulka iyo shacabka in ay ka shaqeeyaan horumarka gobolka.
Masuuliyinta ka socota Dowladda Puntland ee ku sugan gobolka Sanaag ayaa ujeedka koowaad ee halkaas u tageen ay ahayd in ay ka hortagaan sanaadiiqda doorashooyinka Somaliland










