Yaa ka Mas’uul ah Guur la’aanta Soo wajahday Gabdhaha Somaliyed
Dumarka wakhtigoodu waa ka kooban yahay , gabadhu waxay ku qurux badan tahay inay noqoto marwo guri ay leedahay ka soo jeedda kuna asturnaato nin akhyaara oo dhiqi kara iyada iyo ubadkeedana noloshooda ku filnaan kara.
Hadaba dhan kale haddaan iska taago qoraalka, anigu waxaan arkaa inay qaybta ugu badan dumarku sabab u yihiin guumaysnimada (guur la’aanta). Kadib markay wiilashii arkeen culayska uu leeyhay reer cusub agabkiisa, kharashka ku baxaya, shaqo xumada waddanka taalla, duruufta adagee dadka iyo dalkuba marayaan, dhan walba markay ka joogsadeen noloshii ku hareeraysanayd, waxay u qayb sameen saddex qaybood oo kala ah:
1- Mid waxa u soo baxday inuu buuqa aduunyada isku illowsiiyo (waa sida ay nalo noqotaye) qaad iyo balwad. Balwada oo ku furta fikir kale iyo waxyaabo aanu gaadhi karin. Marqaanka oo uu ku dhameeyo arimo badan kadibna ay ka kala daadato marka uu ka kaco.
2- Midkale waxa usoo baxday inuu badda isku halaago taas oo sababtay in uu u dhexeeyo geeri ama nolol. La kulmo jeel iyo rafaad si uu himiladiisa hore u gaadh islahaa.
3- Midka ugu dambeeya waana tiro aad iyo aad uyare,e; mid waddanka aaminay oo aqoon iyo aduunba in uu qayrkii la jaan qaado isku dayay. Wax ilaahay la kulmiyaba la tacaalla duruufta ku hareeraysan.
Hadaba xaaladaha ay gabadha qoraalka hore lahaydi taxday ee ay kacsoo xigatay buuga ninka reer galbeed qoray, miyaanay haboonayn in gabadha somaliyeed qaar ka mida shuruudahaaas hoos uga degto? Iyadoo eegaysa xaaladdeeda gaarka ah iyo ta dadka soomaaliyeed marayo ?
Shuruudaha ay haboon tahay inay ka tanaazulaan gabdhaha Soomaaliyed waxa kamid ah:-
1- In ay iska daayaan gabadhaha soomaaliyeed shuruudda la caadaystay in lagu xidho wiilka somaliyed ee akhyaarka ah sida lacag aanu awoodin, taasi oo dumarka wadanka ku hadhah dalbadaan. Waana wax dib uga joojiya intii akhyaarta ahayd ee ku dhiirran lahayd guur.
- Hotel Hebel hala iigu tumo.
- Fadhiga noocaasa ha la iidhigo.
- Intaasoo baabuur ha igu galbiyo.
- Fannaaniinta wadanka halla iidalbo.
Waxa ila haboon in ay gabadha soomaliyed ka fakarto sidii ay uga faa’iidaysan lahayd wakhtigeeda yar ee kooban, sidii ay u heli lahayd nin akhyaara ah, aduun waa la helaa laakiin sidii nin akhyaar ah loo helaa waa adag tahay. Iskana dayso shuruudaha la soo sheegay oo ay qiimayso ninka wanaagsan hadii rabbi la kulmiyo.
2- Waxa dummarka soomaaliyeed horyaalla inay garowsadaan oo ay ogolaadaan xaqiiqada dhabta ah ee ku saabsan xikmadda ilaahay ujideeyay in ninku 4 dumara guursado hadda ayayna taagan tahay markaan ka eegno dhinacyadan.
A- Gabdhihii oo isku soo gaadhay sadex jiil ama generations iyo ka badan.
B- Wiilashii oo ay yaraatay intii xil guur qaadi kari lahayd.
C- Tiradii dumarka oo marwalba kabadan tii raga, siina kordhaysa.
D- Noloshii oo sii cakir maysa marba marka kadambaysa.
Hadaba waa in ay gabadha soomaaliyeed ee wiika akhyaarta ah kaligeed hoosta ku haysataa, unada gabadha walasheed oo ay fursad siisaa ama u ogolaataa ninkeeda in uu mid walaasheeda oo mudan in marwo ay u u noqoto, ubadna hamuum u qabta, kudhiiri galisaa inuu heblaayo la guursado.
Markaan eegay hablaha soomaaliyeed, siiba kuwa qoyska leh ayaa waxa ka muuqata naxariis daro. Una ogolaanayn ragooda in ay soo qaadaan naag kale. Waxa ay sababeen in hablo badan oo akhyaar ahi is gaasheen nasiibna u yeelan waayeen in sidooda oo kale ay marwo ama hooyo ubadkeeda dhexjoogta noqdaan.
Waxa kale oo aan eeddo noocaasoo kale ah usoo jeedinayaa hay’adaha udooda xuquuqda dumarka oo baalmaray xaquuqdii dumarka ee dhabta ahayd, una tusay dumarku inay difaac ka galaan sidii ragga la iskaga caabbin lahaa ooo kaliya, taasina ay dhaxalsiisay gabdho badan inay ku waayeen hooyonimo iyo marwonimo inay nasiib u yeeshaan
hadaba akhristow waxaa kuu furan Fikir in aad ka dhiibato adigoo anshaxa ilaalinaya
Isha: Jaceylka.com











awr.waa sa aad usheegtaye wax ka sii daran waalidka dhalay iyo lacagta qurbaha ayaa dishey guurkii jacaylka , ta labaad ,iidhoofi oo ah dhoofso, iyadii oon baran ninka la, siinayo iyo isga laftiisa,o anbaran gabadha iyo dalka uu uqaxay-ee shisheeye, sida yurub hakuu soo dhoofsheen takaa raacda ayaakadaran ,hadii ay kugu noqoto gonbaar dad cun ah ,waxay kuu dhasho daaye, caafimaadkaaga ayaa halisgelaya, dadka hortiisa oo hinbadanaa ,beenbadanaa , dhagar maleeg badanaa, isjilcin ogaa ,hadana dhiiranaa, durba mahersan oogaa, xaguu usii taagnaa? waa yaabe….!wax alalle ood kala hadhay majirto hadana ku hafri ogaa , turjubaanobadanaa , gurmadkeedu badannaa,ku wa aanku aqoon carabka kugu dudubin ogaa …
nabaro- aangacanahayn ,maqal iyo cudur kadhigan kugu caayi ogaa …waayabe kaad ka hadlisa kaadaraanna..la ilow qabri iyo aakhiro
meelay gelayaane… sarifa dhaqankii hadana diinta loo soo dhigaye…
gabadhyahay la qiiroday su aashadiiye,,,masomaalibaatahay.waxa ka mas uul ah gabdha iyo nimanka loo yaqaano berigii-hore(orgi-naagood) hadana loo yaqaano (faaraxyada).
sidaa iyo iska warqabdanbe