Guul daradii Ghana oo Galaafatay Nolosha Laba Nin

Ann Akinyi, the widow of Francis Otieno, who died after being stabbed by another man in a bar brawl in Nairobi. Photos/JAMES NJUGUNA
Laba Nin ayaa geeriyooday ka dib markii ay ku murmeen dawashada Ciyaartii Ghana iyo Uruguay habeenimadii Jimcaha .
Francis Otieno, oo Kenyan ah ayaa la galiyey tooray xili uu ku sugnaa goob uu ku daawanayey ciyaartaasi waxaana dilay nin Itoobiyaan ah oo ka cadhooday qaylo uu sameynayay ninka dhintay oo afuufayay caaga loo yaqaano Vuvuzela.
Mr Otieno ayaa lagu dhawaqay in uu dhintay ka dib markii la geeyey Cisbitaalka.
Asxaabtii kale ee Ciyaarta daawaneysay ayaa markiiba weerar ku qaaday ninkii Itoobiyaanka ahaa e dilka geystay sidii dhagx iyo budh loola dhacayey ayaa ay naftii ka baxday isagana , sidaa waxaa wargeyska Sunday Nation u sheegay dad goob joogayal ah.
Dilkan ayaa yimi laba asbuuc ka dib markii uu geeriyooday arday fasalka seddexaad ee dusiga sare dhigta uu geeriyooday ka dib muran ka dhashay ciyaarti dhexmartay New Zealand iyo Italy koobka aduunka ee koonfur Africa lagu qabtay.









