Published On: 7 July 2010 8:31 am

Hooyada Ugu Gaaban Dunida iyo Dhasheeda, Maxada Ka Taqaan?

Stacey Herald, oo 36 jir ah, dhererkeeduna yahay 2ft, ayaa looa digay in aysan uur yeelan karin, sababo la xariira in ilmaha uurka gala ay suuragal tahay in ay ku dhax koraan oo ay dhibaato u geystaan sanbabada, wadnaha iyo inta badan uur ku jirta.
Stacey Herald, oo ka soo jeeda gobolka Kentucky ee dalka Mareykanka, ayaa arrintaas qaadacday, iyadoo si guul leh 3 goor caruur u dhashay. Waxayan iyadah iyo ninkeeda hadda ka fakarayaan in ay caruur kale yeeshaan.
Stacey, ayaa qabta cudur lagu magacaabo Osteogenisis Imperfecta, kaasoo waxyeelaya koritaanka jirka iyo tabar dari lafaha ah.
Stacey Herald, oo markii ay dhawaan wiilkeeda ugu da’da yar dhashay kadib la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in hadda ay leedahay 3 caruur ah ayna ku rajo weyn tahay in ay dhasho caruur kale.
Stacey Herald, ayaa tiri “ Waan dhageysanaa dhaqaatiirta waana xushmeynaa, laakiin mararka qaar wax sax ah ma sheegaan sidaas darteed anaga ayaa sameyna waxa aan u aragno in ay yihiin waxa ugu wanaagsan.
Cunuggii ugu dambeeyey ee ay dhasho oo lagu magacaabo Malache, ayaa si la mid ah walaashiis ka weyn ka dhaxlay hooyadii cudurka ay qabto, iyadoo gabadha ugu weyn ay cudurkaas ka badbaaday.
Stacey Herald, ayaa xustay in markii ay cunagaan dhashay uu si weyn uga duwanaa dadka qaba cudurkaan oo ay sheegtay in ay ku dhashaan iyadoo lafaha qaar ay ka jaban yihiin, balse cunugaan uu dhashay iyadoo aysan wax lafo ah ka jabneyn.
Hooyada ugu gaaban adduunka ayaa sheegtay in markii uu cunugaan dhashay uu wajahay xaalado qatar ah, dhowr goorna la geeyey isbitaalka, waxayana aabaha iyo hooyada mararka qaar ku fakarayeen in cunugaan uusan sii noolaan doonin balse markii dambe uu noqday ilmoo caafimaad qaba.

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos