Sac Weeyl Laba Madax leh Dhalay
Nin Beeraley ah oo ku nool waqoyiga Masar ayaa sheegay in ay mucjiso rabaani ah tahay saciisa oo dhalay wayl laba madax leh .
Sobhy el-Ganzoury ayaa sheegay in ay saca ku qaadatay laba saacadood in uu ku dhalo wayshaa mucjisada ah, waxaana uu intaa raaciyey in lugaha wayshu ay wax yeelo soo gaadhay ka dib markii ay saca ku adkaatay in ay si fudud uga soo baxdo.
El-Ganzoury ayaa sheegay in dhaqaatiirta xoolaha ay u sheegeen in ay wayshu caafimaad qabto rajana laga qabo in ay noolaato .
waxaana uu intaa raaciyey in uu xolo dhaqashada sii wadan doono arinkana uu yahay mucjiso rabaani oo uu Ilaahay awoodo wixii uu doono.
Waysha ayaan istaagi karin maadama laba madax oo culus ku yaaliin lugahana ay ka diciif tahay, waxaana lagu quudiyaan caanaha hooyadeeda oo masaasad loogu soo shubay.









