Published On: 7 July 2010 4:11 pm

Spain iyo Holland oo isugu soo haray final-ka

Xulka Spain ayaa 1 iyo 0 kaga badiyay xulka Jarmalka kadib markii ay caawa ku dhex-martay ciyaar kulul oo Semi-final ah garoonka stadium Durban ee wadanka South Africa.

Laacibka reer Spain ee Carles Puyol ayaa shabaqa ku laalay koolkii qura ee ciyaartaasi la dhaliyay, waxaana uu goolkaasi sabab u noqday in xulka Jarmalka ay gurigooda aadaan.

Spain iyo Holland ayaa isugu soo baxay ciyaarta Finalka ee koobka aduunka, waxaana ay Holland maalinkii shalay 3-2 uga badisay xulka Uruguay.

Guul-darada Jarmalka ayaa dadka intiisa badan ku noqotay mid kadis ah, waxaana la  saadaalinayay in xulka Jarmalka uu qaadi doono Koobka Aduunka ee sanadka 2010-ka

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos