make music movie
Published On: 7 July 2010 6:25 am

Xisbiga Haweenka ee Sweden oo 13 kun Doolar Dab Qabdasiiyey

Share in top social networks!

Gudrun Schyman oo ahaan jirety hoggaamiyaha xisbiga bidixda ama shuuciga ah ee dalka Sweden ayaa maanta ku gubtey dalka Sweden lacag gaareysa 100,000 kun oo lacagta dalka Sweden ah taas oo u dhiganta $13,000 oo dollarka maraykanka ah( Sadex iyo toban kun)

Gubida lacagta ayaa bilaamatay goor hore oo maanta ah, waxaana goobta yimid dad dalxiisayaal ah iyo qaar ka socda warbaahinta.

Gudrun Schyman ayaa sheegtey in ay gubeyso lacag gaareysa 100,000kr, waxaan u gebynaa waa caddaalad darada haweenku tirsanayaan taas oo aysan raga ula sineyn musharka.

Gudrun Schyman oo lagu yaqaano in ay tahay qof arimaha xaaweleydu madax martey (feminist) ayaa sheegtey in lacagta ay guabayaan ay tahay mid markii hore la iska soo ururiyey, isla markaana ay tahay lacag run ah, waxaana la sheegay in lacagtan ay soo urursheen urur la yiraahdo FI (Feministiskt initiativ)

“….Waxaan dabka saarney 100,000 oo koron taas oo macnaheedu yahay haweenka aan helin musharka ay xaqa u lahaayeen, marka la eego aqoontooda iyo khibradooda….” ayey tiri Gurdun markii ay 100 u danbeeyey gubtey

Joornaalka Aftonbladet oo xiriir la sameeyey Riksbank ayaa weydiiyey in ay denbi tahay in lacag la gubo si ula kac ah iyo in kale waxaana arintaas uga jawaabey Susanne Meyer Söderlind oo sheegtey inaysan denbi ahayn, laakiin waa jirtey mar ay denbi ahayd.

In badan oo ka mid ah wadamada reer galbeedka ayeysan dhanka musharka ku sineyn raga iyo dumarka waxaana mushar badan la siiyaa ragga, arintaas oo noqotey mid ururada haweenku ay waxba ka qaban waayeen, sida la sheego sababta u weyn arintan ayaa ah in haweenku fasax ka badan kan ragga ay helaan sida marka ay ilmo dhalaan oo kale, inkasta oo ay jiraan arimo kale oo badan.

Si kastaba ha ahaatee waxaa meesha ka soo baxay hadalkii la sheegay in dhurwaagu yiri markii uu daanyeerka arkey dabadiisa guduudan “Qofna hilibka meel uu u galo ayuu waayey kuwano dabada ayeyba ku warteen”, hadda lacagtii ayaaba sidii hilibkii la dubayaa

Share in top social networks!