Published On: 8 July 2010 3:25 pm

Xaflad qalin Jebin ah Oo Ka Dhacdey Machadka OTTIB ee degmada Buuhoodle

Munaasabad qalin jabin ah oo si wayn loo soo agaasimay ayaa maanta ka dhacday magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

Munaasabadaas oo ay kasoo qaybgaleen Culima’udiin,waalidiin, Ururada bulshada,dhakhaatiir iyo dhamaan qaybaha bulshada ayaa waxaa halkaa ardayda ku gudoonsiiyey shahaadada Saleebaan Ciise (XagloToosiye) oo ka mid ah Qurba Jooga Gobolka Cayn kana mid ahaa musharaxiintii u orday madaxnimada Puntland 2009.

Waxaa hadal dheer ka jeediyey hogaanka sare Mulkiilaha Cisbataalka Daryeel ee Buuhoodle Saleebaan Ciise Axmed,waxaana uu halkaasi kasoo jeediyey hadalo qiime gal ah oo dhinacyo badan taabanaaya.sidoo kale wuxuu u hambalyeeyey ardayda ka qalin jabinaysa dufcadii 1aad ee machadka OTTIB kuna booriyay inay sii wataan dadaalkooda kuu aadan waxbarashada.

Waxaa  halkaa isaguna ka hadlay Dr.Xuseen Dheere isagoo sheegay inuu ardayda ka caawin doono dhinaca practical-ka ama tababarka dhammaantoodna ay ka shaqa geli doonaan sida uu hadalka u dhigay cusbitaalka wayn ee magaalada Buuhoodle (Daryeel Hospital).

Hadaba Machadka OTTIB ayaa ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee laga furo magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn isla markaana ay ka qalin jabiyaan arday noocan oo kale ah.

Ardayda qalin jabisay ayaa tiradoodu waxay gaadhaysaa ilaa 20 arday oo isugu jira gabdho iyo wiilal, ardaydan ayaa dhamaystay course hal sano ah oo ay ku baranayeen Culuumta Caafimaadka hadaba barayaasha dugsigan ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaaalkooda ku aadan tayeynta iyo kor u sii qaadista arimaha la xidhiidha caafimaadka ilaa inta karaankooda ah.
Si kastaba ha ahaatee xafladan oo soconaysay muddo saacado ah ayaa ku soo gebagebowday riwaayad ay soo bandhigeen ardayda kale ee wax ka barata machadkaas oo aad loogu wado riyaaqay.

Taleex Media
Buuhoodle,Somalia

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos