Bam Lagu Tuuray Guri ku yaalla Ceelasha Biyaha Oo Laga Daawanaayay Ciyaaraha Koobka addunka
Guri laga daawanaayay ciyaartii habeenimadii xalay dhexmartay xulalka qaranka ee Jarmalka iyo Spain ee koobka addunka ayaa lagu tuuray bam gacmeed,waxaana uu guriga ku yaalla degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.
Dad goobjoogeyaal ah ayaa Saxaafada u sheegay in ciyaarta oo socotay hal mar la wada maqlay qarax,iyadoo aaga goobtu qaraxu ka dhacay ay dadku hurdada ka kaceen.
Mid ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintey qaraxaas iyadoo ay ku dhaawacmeen labo kale,waxaana dadkii kale ee ku sugnaa guriga ay baxsadeen.
Qaraxa ayaa aan la aqoon cid sida rasmiga ah ee ka dambeysay,waxaana ay arintaan noqotay mid aad looga hadal hayay degaanka Ceelasha Biyaha maanta.
Ciyaartii xalay waxaa badisay xulka qaranka Spain oo markii ugu horeysay u gudubtey wareegta kama dambeysta ee finaalka,waxaana goosha ay badiyeen u dhaliyey daafacooda Puyol oo madax ku dhaliyey goosha.
Kooxaha Islaamiyinta ee ka jira Koonfuurta Soomaaliya ayaa inta aysan bilaabman ciyaaraha koobka addunka soo saareen amaro ah in aan la daawan karin ciyaaraha,iyadoo kooxda la baxday Xisbul Islaam ay iyadu dhalinyaro bishii June toogasho ku dhishay oo daawanaayay ciyaar ka mid ahayd koobka addunka.
Dhalinyarada ayaa iyagu soo aaday degmooyinka ay Dowladda ka taliso si ay u daawadaan ciyaaraha koobka addunka oo hada ay dhiman tahay ciyaarta finaalka oo dhexmari doonto Holland iyo Spain.









