Published On: 14 July 2010 3:32 pm

Bangiga Shahwada Dadka Qurxoon keliya.

Waxaa jira deraasiin Website oo ah kuwa lagu haasaawo kuwaaso hada ka hawlgala internetka, balse waxaa jira mid qudha oo ogolaada in ay ku soo biiraan dadka quruxda badan.
Kaaso lagu magacaabo,beautifulpeople.com, Waa Websiteka ay dadku ay isu diiwaan galiyaan si ay xubin uga noqdaan ka dibna qiimayn lagu sameeyo muqaalkooda.
Ilaa iyo hada, waxaa codsigooda la diiday, 5.8 milyan oo qof kuwaaso ka soo bixi kari waayey shuruudihii quruxda.
Shirkada leh websitekas ayaa dhawaan ku soo kordhisay in ay xubnahu cod u qaadaan dadka ka mdi ah ee iyagu miisaanka ku kordhay xiliga ay fasaxa ku maqnaayeen kuwaaso soo naaxay.
Bogu Waxaa uu hada ka fekerayaa sidii uu u noqon lahaa bangiga shahwada kaaso caawin doona cisbitaalada taranka ka shaqeeya dunidan.
“Tan iyo 2009 markaanu caalamka wada gaarnay, waxaa nagu soo dhacayay codsiyo ka imanaya cisbitaalada taranka ee ku yaala daafaha caalamka kuwaaso doonaya in xubnaha iska diiwaan galiyey bogayaga ay ugu deeqaan shahwo”, Sidaa waxa ayidhi agaasimaha suuqeynta beautifulpeople.com Greg Hodge.
“Haddii aad tihiin lamaane aan nasiib u yeelan in ay umada dhalaan una baahan in ay si farsmo ah ku helaan , jeclo ama necbow, quruxdu waa mid waqtigan xasriga la tixgaliyo”.
Hodge waxaa kale oo uu sheegay in shirkadiisu in aysan wax lacag ah ka qaadan cisbitalada taranka ee donaya in loogu deeqo shahwada, balse ay tahay hanaan ay ku doonayan in ay ku soo jiitaan xubno kale oo cusub.
Angela, oo ka mid ah 650,000 e xubnood ee bogaasi, ayaa difaacday ku biirida bogaa iyo qarashaka gaaraya 480 doolar ee ay sanad waliba bixiso.

“Waxaan u maleynayaa haddii aad soo jidasho lee dahay in ay kuu wanaagsan tahay maadama aad sii gaboobeyso kaana caawin karto hanaankaaga shaqo e maalinlaha ah” ayaa ay tidhi Angela.


Waxaanu dooneynaa in aanu ogaano Waxa aad ka qabto


Haddii aad dooran lahayd dabeecadaha ilmahaaga, soo jiidashada(attractiveness)  ma ka mid noqon lahayd? Ma qabtaa in ay fikirad sax ah tahay qorshaha websitekaas ee ah in uu noqdo bangi bixiya shahwada dadka qurxoon?

Fadlan fikradaada halkan ku dhiibo ka dib marka aad is diiwaan geliso.