Published On: 17 July 2010 7:37 pm

Muslimiinta Indonesia oo loogu baaqey in ay beddelaan halka ay hadda salaada u tukadaan

Dadka Muslimiinta ah ee dalka Indonesia ayaa ogaadey maalintii Jimcada in ay salaada u tukadaan jiho qaldan, waxaa sidaas sheegay hay’adda u saraysa Islaamka, iyaga oo sheegay in dadka Muslimiinta ah ee Indonesia ay salaada ula jeestaan dhanka Africa.

Sida ay qabto diinta Islaamku jihada salaada waa dhanka magaalada barakaysan ee Makka, laakiin masaajida dalka Indunuusiya ayaa qabiladoodu ku aadan tahay dhanka Soomaaliya iyo Kenya halka ay ahayd in loo jeediyo Makka.

Jaliil Ridwaan oo ka tirsan Hay’adda Culimada Indonesian ayaa sheegay in aan loo baahneyn in masaajida la dumiyo laakiin dadka waxaa laga doonayaa in ay u jeestaan dhanka Waqooyi Galbeed.

Ridwaan ayaa sidoo kale sheegay in dadku aysan ka welwelin salaadii hore ee ay u tukan jireen dhanka Soomaaliya iyo Kenya

“….Salaadoodi rabbi waa ka aqbalayaa…..” ayuu yiri

Dalka Indonesia ayaa ah dalka ugu badan ee Muslimiintu ku dhaqan yihiin, marka loo eego dunida Islaamka inkasta oo waddanku isku tilmaamo in uu yahay mid cilmaani ah.

Sidaan si la mid ah ayaa ka dhacdey meelo ka mid ah Soomaaliya gaar’ahaan meelo ka mid ah Puntland, waxaadna arkeysaa masaajido safka si qaloocan loo taagan yahay isla markaana dadku isu dadbaayo dhanka waqooyi galbeed, waxaana la sheegay in qiblada Masaajidaas ay u jeedo dhanka dalka Yemen.