Go’aamadi ka soo baxay Shirweynihii labaad ee NSUM laguna qabtay dalka Mareykanka
Shir weynihii labaad ee ururka NSUM ee lagu qabtay magaalada Minneapolis Gobolka Minnesota, ee dalka maraykanka, maalmihii Sabtida iyo Axada ee July 17/18, 2010, oo ay ka soo qayb galeen Gudiga fulinta NSUM oo ka kala yimid aduun weynaha dacaladiisa, xubnaha ururka NSUM ee Minnesota, iyo wafuud NSUM oo ka kala timid gobolada North America, iyo shacabka SSC ee ku dhaqan gobolka Minnesota. Shirkaas oo lagaga tashanayey xal u helida dhibaatada gobolada SSC iyo ilaalinta midnimada Soomaaliya, waxa si gaar ah lagu gorfeeyey xaalaada maanta ay ku suganyihiin gobolada SSC, wada tashi dheer ka dib waxaa ka soo baxay go,aamadan hoos ku qoran.
1) In Midnimada ummada iyo dalka Soomaaliya tahay lamataabtaan, ilalinteeduna tahay xil saaran dhamaan ummada Soomaaliyeed shacab iyo dawladba.
2) Shirku wuxuu cambaareeyey cidkasta oo ka shaqaynaysa kala goynta iyo dhibta soomaaliya.
3) Shirku wuxuu kale oo cambaareeyey maamulka Somaalidiidka ah ee xooga ku haysta degaanno ka mid ah SSC wuxuuna ugu baaqay in si dedeg ah oo shuruud la’aan ah uga baxaan dhamaan degaanka SSC.
4) Wuxuu ururku NSUM ku baaqayaa in la mideeyo xoogaga xoreynta iyo midnimodoonka gobolada SSC.
5) In loo diro gobolada SSC wefti balaadhan oo ka kooban NSUM, saraakiishii sare ee militeriga ee wayo aragnimo iyo aqoonta u laha xaladan oo kale iyo waxgaradka SSC, si ay u soo mideeyaan una soo habeeyaan xoogaga kacdoonka midaynta Soomaliya iyo xoreynya gobolada SSC.
Gudoonka Ururka, NSUM









