Maakhir waa qayb ka mid ah Puntland
Nin kasta oo Reer Maakhir ah oo ku dagaal geliya Dhalinyarada degaanka mabd’a laga soo xawilay meel kale oo ah dhagax ku wada dil labo shimbirood oo ka dhigan Harti iyagu ha isku dhanmaadeen wuxuu danbi ka galay dadka iyo degaanka taariikhda u lahaa in ay nabad kula noolaadan walaalahooda Harti galbeed iyo bari,ahaan jirayna kuwa u soo horeeya marka dhibi jirto
Falsafada ah cadowgaaga cadowgiisu waa saaxiibkay oo ah tan ay ku gubatay koonfurta Soomaaliya iyo Muqdisho,hadii ay jiraan rag Reer Maakhir ah oo isticmaalaya fikirkan oo aan bulshada inteeda badani ee Reer Maakhir ku raacsanayn waa in ay wax ka qabtaan, lana takoora hadii ay jiraan cid uu duufsadayna laga soo reebaa.loona caqli celiyaa
Marka hore waa khalad in dhibka iyo waxyeelada walaalkaa uu kuu isticmaalo mid aan labadiinaba horay u jeclayn hodhowna aad isugu mid noqon doonataa,kaas oo had iyo jeer raadin jiray bur burka Puntland iyo colaad ka dhex dhalata Beelaha Harti ee Dooraad oo kuwada noolaa nabada intii ay ka soo farcameen Odayga aabahooda Allah ha u naxariistee oo ku aasan Haylaan.
Puntland waxa ka jiray sanadahan danbe khalado u baahnaa in la saxo,hase ahaatee in la keeno ama loo yeerto Mooryaan wax ay burburiso maahee aan aqoon in wax ay dhisto.maaha caqliga sax ah oo shaqaynaya
Dhamaan dadka degan degaanada waxa ma’suuliyad ka saaran tahay in ay la socdaan ama ogaadaan Mooryaanta dhex maraysa oo u socota in ay dab ku shidaan puntland iyo Boosaso oo ah halbowlaha noloshooda .
Ugu danbayntii SNM iyo USC shaati kasta oo ay soo xirtaan dhulkan barakaysan ee Maakhir ma noqon doono mid loo sii maro ama loo isticmaalo Bur burka Puntland iyo colaad ka dhex abuuranta beelaha walalaha ah.
Isha: Allsanaag.com











asc. maxuma inay maakhir qayb kamid ah puntland tahay,sida sool iyo cayn oo kale. SSDF iyadu sidaa ma’ogtahay.
salaama caleykum.