Al Shabaab oo Sheegtay in ay Dagaal Kala Hortagayaan Ciidamada Somalia loo Soo Wado
Xili Maalmaha soo socda ay Muqdisho ku soo foolleeyihiin Ciidamo cusub oo ka socda Midowga Afrika ayaa Afhayeenka Al Shabaab waxaa uu sheegay in ciidankaasi ay ku soo dhaweynayaan dagaalo ay ku baabi’iyaan.
Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage (Cali Dheere) oo shir jaraa’id qadka taleefanka ugu qabtay warbaahinta ayaa soo hadal qaaday Shirkii Madaxda Midowga Afrika ugu soo gaba gaboobay maalin ka hor Magaalada Kampala ee Xarunta wadanka Uganda, isagoo ku tilmaamay shirkaasi in uu ahaa mid natiijo la’aan ku soo gaba gaboobay maadaama ay ka soo baxeen oo kaliya in ciidamo la keeno Soomaaliya, Al Shabaabna ay xabbad kala hortagayaan Marka ay soo gaaraan Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu sheegay Cali Dheere in dowladda KMG Soomaaliya ay wajji gabax kala kulantay waxyaabihii ay ka dooneysay in shirkaasi ay ka soo baxaan taasi oo aheeyd taageero xoog leh oo ay u fidiyaan Madaxda Midowga Afrika ee kulanka ku yeelatay Magaalada Kampala ee wadanka Uganda, isagoo intaasi ku daray in ciidamada cusub ee la keenayo Soomaaliya aysan waxba uga duwaneyn kuwii horey u joogay Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Midowga Afrika ay afka oo kaliya ka sheegayaan in ciidamo farabadan ay keenayaan Soomaaliya, hase ahaatee aysan ka dhabeyn Karin maadaama sida uu tilmaamay sideedii kun ee ay u balan qaadeen Soomaaliya aan wali la soo dhameystirin, isagoo carabka ku dhiftay in haatan ay rafaadsanyihiin ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Hadlalka Xarakada Mujaahidiinta al Shabaab ayaa ku soo aadaya xili dhawaan madaxweynayaasha Midowga Afrika ay balan qaadeen in wadanka Soomaaliya loo soo dirayo ilaa 4,000 oo askari kuwaasi oo la soo hormarinayo 2,000 oo ka mid ah islamarkaana ka socda Wadamada Uganda iyo Burundi.










