Atam oo Sheegay in uusan Shabaab ka Mid ahayn (Dhageyso)
Published on July 29, 2010 by adminHogaamiyaha Maleeshiyada Galgala Sheekh Atom wuxuu sheegay inaysan wax xiriir ah la lahayn kooxda al-Shabaab.
Hogaamiyaha maleeshiyada lagu xiriiriyo inay u janjeerto al-Shabaab ayaa sheegay inaysan ka tirsanayn kooxda al-Shabaab.
Sheekh Maxamed Siciid atom oo wareysi khaas ah siiyay Idaacadda VOA ayuu wuxuu ku sheegay inaysan jirin cid ka tirsan al-Shabaab amma ajaanib oo iyaga dhinacooda ka barbar dagaalameysa.
Wuxuu ku eedeeyay maamulka Puntland inay go’doomin ku sameeyeen degmada Galgala, ayna u diideen ayuu yiri dadka shacabka ah inay ka baxaan amma soo galaan Galgala.
Sheekh Atom ayaa sheegay in uusan wadahadal la geli doonin maamulka madaxweyne Faroole oo uu ku tilmaamay mid aan xor ahayn.
Isha: VOA






