Awdal oo Dowlad Goboleed in looga Dhawaaqo Wada hadal ka Socdo
Published on July 29, 2010 by adminKulamo qarsoodi ah oo isdabajoog ah ayaa shalay iyo maanta ka soconaya xarunta Gobalka Awdal iyo Guriga Xoghaye ku xigeenkii hore ee Xisbiga UDUB ee gobalka Awdal Xuseen Mire Odawaa ayaa lagaga dhawaaqay qorsho loogu magac daray “Awdal isku-tasho Project. ” Kulanka oo socday maalmo iyo saacado ayaa waxaa ka qaybgalya gole dhaqameedyada iyo gudiga nabadgelyada iyo xubno ganaacsato ah oo magac ku leh magaalada Borama. Waxaa shirkaa laga casuumay Madaxweynihii hore Dahir Riyaale oo aanan imaan goobta shirka. Nabadoono ka soo jeeda Saylac ayaa ayana gudi u soo dirsaday shirka.
Kulankaasi maanta iyo xalay ka dhacay Degmada Borama ayaa xubnihii ka hadlay waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee gobalka Awdal Abuubakar Sheekh Xasan Sheekh Xuseen waxuuna sheegay inay haboon tahay in ay dadka reer Awdal ay aayahooda ka tashadaan.
Shirarkan cusub ayaa waxaa laga yaabaa in uu soo de dejiyo dareenka guud ee qowmiyada reer Awdal oo waayahanba taagnaa, kaas oo Odayaasha iyo Suldaamada reer Awdal ay ku tilmaameen in ay tahay muhiim in ninwaliba xil iska saaro danaha deegaanadooda.
Weli lama shaacin cida sida tooska ah hogaanka u hayn doonta dowlad gobaleedkan Awdaland iyo Awdal iskutasho project labadaba.
Sahuur Xuseen Rabiile AwdalOne
sahuur.rabiileAwdalone@gmail.com







Awdaleey hurudooy Finally hurdadii waa ka kacday……………..
Waa mihiim in cid waliba degaankeeda horumariso, una malayn maayo inay reer Awdal taladooda cid kale uga hoos fadhiistaan sideena oo kale oo kolba aynu sal meel dhigno. Intaynaan cid kale raadsan waxa haboon inaynu teena si niraahno oo dadkeena dhibku hadheeyey si u galo.
Inaga bal ina eega waxa ina haysta qaar Xamar u yaaca, kuwo Hargeysa tuban, kuwo Garoowe bay-hoofa, kuwo Jigjiga hoos yaala iyo kuwo kolba dhinac u yaaca. Dadkina bacad iyo biyo la’aan baa haysata. Degaankeenii wuu saxaroobay, dadkeenu aqoon ahaan iyagaa u liita.
Aynu si isu dhaano!!!!!!.