Kaniisad Mareykan ah Oo Gubeysa Quraanka 11 Sept
Published on July 29, 2010 by adminKaniisad ku Taala Gobolka Florida ee dalka Mareykanka oo ku caan baxday nacaybka Islaamka ayaa qorsheyneysa munaasabad ay ku gubayaan nuqulo ka mid ah Kitaabka Quraanka Kariimka iyagoo ku xusaya dhacdadii 11 Sep 2001.
Kaniisadan oo lagu magacaabo The Dove World Outreach Center kunba taala Gainesville, Florida, ayaa ku soo bandhigtay website-keeda iyo bogoga kale sida Facebook gubida nuqlo ka mid ah Quraanka Kariimka .
Kaniisada ayaa ololaheedan halku dhig uga dhigtay “Everybody Burn Quran Day” waxaana ay ugu dabaal degaysaa dhacdadii 9/11 iaydoo sheegtay in laga hortago sharta Islaamka.
Kaniisadan, oo sidoo kale qaaday ololayaal kale oo ka dhan ah Islaamka ayaa dhawaan qaybisay garamado ay ku qoran tahay , “Islam is of the Devil.” Macanaheedu noqonayo Islaamku Waa Shaydaan.
Hogaamiyaha Kaniisadan Dr.Terry Jones ayaa daabacay buug oo cinwaan uga Dhigay “Islam is of the Devil” isagoo sidoo kale kaniisadiisa ku dhejiyay boodhadh ay ku qoran yihiin halku dhegyo ka dhan ah Islaamka.
Kooxa Badan oo ku kulmay Facebook ayaa sameeyey olole ay kaga hortagayaan qorshaha kaniisadan waxaana ka mid ah bogag facebooka ay ay sameeyeen kooxahaasi : “In Protest of International Burn a Koran Day” iyo “Against Everybody Burn Quran Day.”
Golaha Xiriirka Islaamka iyo Americanka e loo yaqaano “The Council on American Islamic Relations” (CAIR) aya ka digay waxaan ay soo saareen warbixin ay ku weydiisanayaan Muslimiinta in ya marti qaadaan asxaabtooda siiyaana nuqlu ka mid ah Quraanka Kariimka.
Dr. Diaa Rashwan, oo ah khabiir amuuraha Islaamka kana tirsan Xarunta lagu magacaabo “al-Ahram Centre for Political and Strategic Studies”, ee dalka Masar ayaa qeexay in ay talaabadani tahay mid halis ah kana baxsan caqliga iyo dareenka bani aadamka.
“Haddii arinkani dhaco, Waxaa ka dhalandoona qalalaase baaha oo ka yimaada dunida Muslimka ” ayaa uu u sheegay Taleefishinka Al Carabiya. Bal eeg wixii dhacay markii Denmark Daabacday Sawir Gacmeedyadii. qiyaas waxa dhici kara haddii la gubo Quraanka kariimka?”
Rashwan waxaa uu tilmaamay inaysan jiirn wax xidhiidh ah oo ka dhaxeeya dhacdadii 11 Sept iyo Quraanka Akriimka haddii qaacidadas la adeegsadana kutubta diimaha kale ayaa iyana masuul ka noqon doona dambiya dagaal oo dunidan ka dhacay.
“Waxaanu ku eedeyn karnaa bible-ka dhimashada malaayiin , tusaale ahaan Kaniisada Protestant-ka oo wakiil ka ahayd Hitler waxaa lagu dacweyn karaa 70 milyan oo ku dhintay dagaalkii labaad ee dunida .”
Rashwan Waxaa uu ka digay natiijada ka dhalan karta haddii lagu dhaqaaqo talaabadaa lagu gubayo Quraanka Kariimka waxaana uu ugu baaqay dawlada mareykanka in ay soo farageliso arinkan ka hor inta aysan mawjada xagjir ah dunidan ka qarxin.
“Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay waa in ay soo fara galiyaan aarinkan oo ay joojiyaan ka hor inta usan qarxin dagaal u dhaxeeya diimaha. Gubida Quraanka Kariimka ma ahan xoriyatal qawl. Waa ku xadgudbid xuquuqda in ka badan hal bilyan iyo 300 milyan oo muslimiin .
Munaasabadan lagu gubayo Quraanka lama barbardhigi karo sharciyada ay qaateen qaar ka mid ah dawladaha Midawga Yurub ee ay ku mamnuuceen xijaabka gabdhaha muslimiinta ah”, Ayaa yuu yidhi Rashwan.
Waxaana uu tusaale u soo qaatay faransiiska oo sharci adag ka soos aaray xirashada niqaabka dumarka.
**************************************************************
Waxaanu dooneynaa in aanu ogaano Waxa aad ka qabto
Sidee U aragtaa Qorshaha Kaniisadaa?
Ma Umaleyneysaa in ay Talaabadaasi kordhinkarto ururada Xagjirka ah ee Islaamka?
Haddii aad Mareykanka Joogto Talaabadee kula Gudboon oo aad ku joojin kartaa Gubida Quraanka kariimka ?







waa arrin cusub,oo islaamka soo food saartey, waa in si deg deg ah looga hortagaa, haddi aysan dawladda mareykanka ka hortegin arrinkan waxay keeneysaa cawaaqib xumo badan, oo islaamkuna ay kaneesado badan gubi doonaan iyo kutubadooda.
nin walboo islaam ah , ama soomali ah waa in aad ka dhiidhidaa oo ka hortagtaa wixii wax u dhimayo QURAANKA(ILAAH MACBUUDKA HADALKIISA).
AXMED.
it is very global danger to burn the holy Qur’aan and will cause heavy consequenc
I say to the church stop that bad Action. As a muslim we never burn Bible. why you burning the Holy Qur’aan. that unacceptable
Ahmed Cabdi. from London
walaalayaal waa nasiib daro in ay gubaan qur aanka kariimka ah waxay qarsanayaan oo xumaan ah ayaa kasiidaran allaah ayaa inoo sheegay laakiin qur aanka allah ayaa xafiday waxba mayeelikaraan ciraaq ayay ku kaajeen qur aanka maaha wax cusub arintani insha allah way jabi doonaan allaahna waa uhiilin doonaa kitaabkiisa iyo cida haysata guul islaamka iyo muslimiinta insha allah