Malaysia oo Gabdhaha Uureyda ah Dugsi u gaar ah u Furtay

Published on July 29, 2010 by admin

Gobolka ka mid ha dalka Maleshiya ayaa ka fekeraya in ay sameyaan dugsi u gaar ah hablaha uurka qaada iyaga oo ana waxbarashada dhameysan taaso qayb ka ah sidii loo yareeyna lahaa tirada naxdinta leh ee caruuurta la iska soo qubayo.

Wasiirka Guud ee goboolka Malacca , Mohamad Ali Rustam, ayaa sheegay sida ay ka soo xiogatay jariirada New Straits Times in dugsigu uu qayb ka yahay hanaanka lagu dhiirigalinayo hablaha da’yarta ah in ay guursadaan .
Waxa kaliya oo iman kara dugsiga cusub gabdhaha la guursaday.

“Gabdhaha aan la guursan ee uurka qaada, waa ay ka mid noqon karaan dugsigan iyagoo fulinaya hal shuruud taaso ah in ay guursadaan ninka ay uurka u qaaday ee ilamaha leh ,” Ali yidhi.
Xukuumada Malashiya oo ah dal muslimku ku badan yahay ayaa waxaa dhibaato ku haya kororka tirada caruurta ee dariiqyada la soo dhigayo iyo goobaha qashinka .

“Dhibaatadan ayaa noqotay nooc ka mid ah xanuunada.indhahana kama qarsan karno oo waa arin waxka qabasho u baahan This ,” Ali ayaa sidaa u sheegaya jariirada afka ingiriiska lagu qoro ee maalin laha ah.

“Tuurida cauurta ayaa inta badan ka dhacday bulshada muslimiinta xaafadahooda iyadoo ay da’yartu qarsadaan ilamaha ay uurka ku sidaan. qaar ka mid ah gabdhahaasna waalidiintood ayaa dayriya ,”ayaa uu yidhi.

“Ma sameeyaan farasamada caruurta lagau soo rido maadama uusan Islamku ogalayn in ilamaha la iska so rido. Waxaana ay qaataan adariqada ugu dhaw taaso ah in ay ilmihii yaraa tuuraan marka aya dhalaan. Mana dooneyno in ay tani sii socoto, waa in aanu joojino .”

Wasiirka Guud ee Malacca  ayaa sheegay in uu ka fekerayo in la sameeyo dugsi u gaar ah gabdhaha uurka leh si loogu dhiiriyo in ay waxbarashadooda sii wataan loona badbaadiyo ilamaha yar ee ay uurka ku sidaa.

“Dugsiyada caadiga ah ayaan aqbalin gabdhaha uurka leh, Waxaan hadaba u dhiseynaa Dugsi u gaar ah ,” Sidaa ayaa laga soo xigtay Wasiirka isagoo intaa ku daray in da’yarta kale ee gobolada kale ay iman karaan dugsigan cusub ee uurayda.

“Dugsigu waxaa uu aqbalayaa hablaha si sharci ah u guursada .”

******************************************************************

Waxaanu dooneynaa in aanu ogaano Waxa aad ka qabto

Ma tahay talaabo sax dhisida dugsi u gara ah Uurayda?
Ma talaabo lagu midab takooryaa mise waa mid wax loogu qabanayo?
Magaalada aad ku nooshahay ma ka jirtaa dhibaatada haysata gobolkaa Malacca?

Fadlan fikradaada halkan ku dhiibo

Posted by admin on Jul 29 2010. Filed under Maxaa Cusub. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

We have to check every comment before we can allow it to be published. But don't worry, we've got a team on it 24/7 - so check back soon! Please note that we cannot publish all comments received. The editor's decision is final. Please note that your email address will not be displayed next to your comment.

Hablaha SSC

Photo Gallery

Log in |