NSUM oo Siilaanyo u Jawaabtay (War Murtiyeed)

Published on July 29, 2010 by admin

 

Ururka NSUM isaga oo tixraacaya hadlakii warbaahinta ku soo baxay 7/27/2010 ee uu ku dhawaaqay Mr. Axmed Maxamed Siilaanyo, kaas oo xambaarsanaa farriin u gaara bulshada SSC. Waxuu ururku xusuusinayaa Mr. Siilaanyo, shacabka somaliyeed ee ku dhaqan gobolada Togdheer iyo W. galbeed ee hogaamiyaha u doortay iyo bulshada caalamkaba in Shacabka SSC nabad jecelyahay. Laakiin waxaanu u aragnaa dhawaaqa siilaanyo in uu ka dhigan yahay kan lagu yaqaan “Hasha geela cunta ee cabaada”. Waxa la wada xasuusanyahay in ciidankii SNM ee Siilaanyo maanta u taliyaa ku soo qaaday duulaan qaawan oo gardarro ah degaanada SSC , bishii Oktoobar 2007. Waxaana dululaankaas gacanta SNM ku gashay magaala madaxadii gobolka sool, Laascaanood iyo meelo kale oo ka mid ah gobolkaas. Duulaankaas gardarrada ah waxa barbar socdey oo lagula kacay shacabkii ku dhaqanaa Laascaanood iyo goobo ka mid ah degaanada SSC: dil, dhac, boob iyo bililiqo, xadhig, barakac iyo dhamaan adeegyadii bulshada oo la xakameeyey ama oodafada loo jiidey.

Waxa duulimaadka garadarada ah u dambeeyey kii waqti aan fogayn lagu soo qaaday widh widh iyo balli-hadhac laguna xasuuqay dad shacab ah oo aan waxba galabsan oo  guryohoodiina jooga, laguna qabsaday magaalada widh widh.

Hadaba, waxa xaajo ugub ah in hogaamiyihii colka soo diray, dhul uusan lahayna qabsaday welina haystaa nabad ku baaqo. Waxaanu Mr. Siilaanyo xasuusinayna in aqoonyahanka, culimada, hogaan dhaqameedka, siyaasiyiinta iyo dhamaan qaybaha kale ee bulshada SSC ay nabad si walba ku raadiyeen, ilaa iyo hadana aysan helin cid u diyaara ah.

Ururka NSUM wuxuu Mr. siilaanyo xasuusinayaa in sida keliya oo nabad lagu heli karaa tahay, isaga oo si shuruud la,aan ah uga saara ciidamda SNM ee degaanada SSC ku soo duuley kuna celiya dhulka ay beel ahaan degaanka u leeyihiin.

 

NSUM,
Gudida Fulinta

 

Posted by admin on Jul 29 2010. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “NSUM oo Siilaanyo u Jawaabtay (War Murtiyeed)”

  1. duran

    Maangaran, kani ma mid hugaamineedbaa mise waa codkii suuqa, waayo cid ku saxeexan ma jirto. Ururku miyaanu lahayn madax, af-hayeen iyo kuwo la mida. Wax lagu rumaysan karo majiro. Waxa aan ku talin lahaa way fiican tahay in hadal adag loogu jawaabo cadawga laakiin waa in hadalku yeesho cid loogu soo hagaago.

Leave a Reply

We have to check every comment before we can allow it to be published. But don't worry, we've got a team on it 24/7 - so check back soon! Please note that we cannot publish all comments received. The editor's decision is final. Please note that your email address will not be displayed next to your comment.

Hablaha SSC

Photo Gallery

Log in |