Sabarey: “Siilaanyo khayr baan u Rajeynayaa” (Dhageyso)
Published on July 29, 2010 by adminKu xigeenka Xaglatoosiye Cali Xasan Axmed Sabarey oo wareysi siiyey Horseed Media ayaa ka hadlay aragtida ay ka qabaan hadalkii ka soo yeeray Axmed Siilaanyo,kaasi oo ku wajahnaa in ay wadaan waan waan ay ku dhameyn doonaan arrimaha gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn.
Cali Xasan Axmed Sabarey ayaa sheegay in wadahadal ay la galaan maamulka Somaliland ay ku xiran tahay iyadoo uu marka hore maamulkaasi uu qaado talaabooyin ay ka mid yihiin:
1. In xabada uu joojiyo2. In Ciidamadooda ay kala baxaan goboladda SSC laysku yiraaho.
Wuxuu intaasi ku daray Sabarey in hogaamiye dhaqameedka SSC ay isku hadaf yihiin,waxaana uu xusay in odoyaasha dhaqanku ay yihiin hay’addii dhidibada u aastay ururkooda.
Mar la weydiiyay haddii ay jiraan wax xiriir ah oo dhax maray iyaga iyo Siilaanyo ayaa wuxuu sheegay in aysan jirin wax xiriir ah oo ay labada dhinac ay wada yesheen.
Sabarey ayaa shegay inaysan u cadayn hadafka dhabta ah ee uu damacsan yahay Siilaanyo.
Ugu danbeyntii waxa uu ugu baaqay Siilaanyo in Ciidamadiisa uu kala baxo gobolada uu iminka gacanta ku hayo.
Si kastaba arrintaan ayaa waxay ku soo beegmeysaa xili Siilaanyo uu shalay uu ku dhawaaqay in ay wadahadal la geli doonaan beelaha dega gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn.







ALAA TOLKAY EEGA WAXAY SAMAYNAYAAN WAAR WARSANGALIBA WAA DAGAALAMEE DAGAALAMA OO HEER YADA ISKA ROGA ..SALEEBAAN XAGLE TOOSIYE WAA JAGO DOON MADAXA GIDAARADA LA DHACAY