Published On: 30 July 2010 11:45 pm

Mudaharaad laga soo horjeedo Siilaanyo oo ka dhacay Borama

Mudaharaad lagaga soo horjeeda maamulka cusub ee somaliland ayaa maanta ka dhacay gudaha magaalada Borama ee xarunta gobolka awdal,Mudaharaadkan ayaa waxaa uu ahaa mid iskii iskaga Bilaabmay, dadka mudaharaadayayna ,waxa ay u badnaayeen Dumar iyo dhalinyaro, Kuwaas oo ku dhawaaqayay raali kama nihi sida waasiirada loo qaybiyay,Cadaalad ayaan rabnaa, Mudahaaradkan ayaa ahaa mid aad u xoog badan,Iskiina u bilaabmay,Mudaharaadlayaasha ayaa si nabad galyo ah waxa ay ku marayeen, wadooyinka waawayn ee dhexmara Xafadaha iyo suuqyada Dhexdooda, Mudaharaadkan oo wali socda ayaanan la garanayn waqti uu soo dhamaan karo, laakiin waxa isku dayaya in ay joojiyaan, ciidanka qaranka iyo ciidanka Amaanka,.

Runtii waxa maalmihii u danbeeyay Guux aad u xoog badan,taas oo dadku dareenkooda ku aadan Xukuumada cusub ee la soo dhisay,ay u arkeen mid aan si cadaalada loo soo xulin,gobolkana aan la siin waxa uu xaqa ulahaa waligii,waxa ayna ka rajaynayaan in dawlada Cusub dib u eegto, Siyaasada ku waajahan Gobolkan.

Dhinaca kale waxa ay dadwaynaha ku dhaqan degmada Borama isla dhex marayaan,in sababta gobolkan saamigii xaqa uu u lahaa dhinaca xukuumada ay waayaan,in ay sababta ugu horeysa ka dhigayeen , gobolkan oo si xoog badan lagaga adkaaday, xisbigan iminka talada dalka hantay ee kulmiye, taas oo ay sheegayaan in markii uu ku guulaystay , Kursiga sheegay in uu u yahay madaxwayne cidii u codaysay iyo cidii aan u codayn ,waxa ayna leeyihiin waxa aan u aragnaa , in balantaas uu ka baxay Madaxwayne Siilaanyo ugana fadhiyaan in uu Madaxwaynuhu saxo khaladka uu ka galay Bulshada Reer Awdal/ee dulqaadka iyo nabada

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos