War Saxafadeed: Dagaalka Karin iyo Colaada Galgala

Published on July 30, 2010 by admin

Gollaha Qurbo-joogta reer Puntland ee (PDF) wuxuu aad uga xunyahay colaadda iyo dagaaladda ka aloosan bariga Puntland , gaar ahaan aaga Karin, Laag iyo Galgala.

Puntland waxay ahayd goob ku caan baxday ganacsi, wada noolaansho iyo degenaansho, waxaana horumarkaas keenay nabadda taalay deegaamadaasi taas oo ay ka wada shaqayn jireen dadka walaalaha ah ee ku bahoobay maamulka Puntland. Sidaa awgeed, PDF waxay ugu yeeraysaa dhamaan shacabka, indheer-garadka, culimada, siyaasiyiinta iyo bulshada inteeda kaleba inay meel uga soo wada jeestaan wax kasta oo khalkhal gelin kara nabada iyo wada noolaanshaha deegaamada Puntland, kana dheeraadaan wax kasta oo abuuri kara colaad iyo amni-daro, garab istaagaana dowlada si ay dib ugu hanato una sugto amniga.

Shacabka reer Puntland caado uma lahayn, umana laha in qori caaradiis wax la isugu sheego, aragti iyo dareen cid gaar ah ay qabtana kuma gudbin karto handadaad iyo in khalkhal la geliyo amniga, istiqraarka iyo xasiloonida gobolka iyo dawladda Puntland. Sidaa awgeed, cidii dareen iyo tabasho qabta waxay PDF ugu baaqaynsaa inay dareenkeeda u cabbirto si nabad ah, una marto tub iyo wadiiqad ku haboon.

Anagoo ka tusaale qaadanaynay wadiiqooyinkii lagusoo afjaray colaadihii iyo isafgaranwaayadii siyaasadeed iyo diimeed ee horay uga dhacay Puntland, ayaa PDF waxay maamulka, isimadaba iyo culimada u soo jeedinaysaa inay iska kaashadaan in si nabadgelyo ah mushkilada Galgala lagusoo afjaro, iyadoo mar walba dawlada Puntland looga danbeynayo, laguna taagerayo sugida ammaanka iyo dhawrida xasiloonida.

PDF marna uma muuqato in Puntland gorgotan la gasho kooxda fitnada ku caanbaxday ee alshabaab iyo kuwa taageera, waxayna PDF shacabka reer Puntland dibad iyo gudaba uga digaysaa inaan lagu kadsoomin afkaarta inxiraafka huwan ee kooxdaasi kula meeraysato degaanadda xasiloon iyadoo uga gol leh inay ku khalkhaliso amniga. Shacabka reer Puntland waa inay iska diidaan hal-ku-dhegyada diimeed ee raqiiska ah een fahamka saxda ah ku dhisnayn, sida jihaad, iyo shareeca islaamiya, islaanimadoodana ilaashadaan.

Posted by admin on Jul 30 2010. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

We have to check every comment before we can allow it to be published. But don't worry, we've got a team on it 24/7 - so check back soon! Please note that we cannot publish all comments received. The editor's decision is final. Please note that your email address will not be displayed next to your comment.

Hablaha SSC

Photo Gallery

Log in |