Published On: 30 July 2010 9:18 pm

Waxgaradka Nabadeynta Ka Wada Galgala oo Bayaan Soo Saaray

BAAQ

Hadaanu nahay Issimada, Cuqaasha iyo waxgaradka beesha Warsangeli ee deegaamada Haylaan iyo Galbeedka Bari waxaa kasoo baxay shirkayagii maanta oo taariikhdu tahay July 29, 2010 ka dhacay magaalada Dhahar qodobada soo socda:

  1. Waxaanu kasoo horjeednaa wax allaale iyo wixii nabada iyo xasiloonida Puntland wax u dhimaya meeshay doonaan haka yimaadeen, ciday doonaana ha ahaadeene;
  2. Waxaanu si deg deg ah goobta uu dagaalku ka dhacay ugu diraynaa guddi isugu jira issimo iyo waxgarad kale oo soo baadha xaqiiqada meesha ka jirta;
  3. Maadaama uu dagaalkani ka dhacay deegaankayaga waa in ay dawlada Puntland naga war sugtaa inta aanu xal nabad ah ama mid colaad ah ka keenayno ciidanka buuraha Galgala ku jira;
  4. Waxaanu ugu baaqaynaa maamulka Puntland in ay go’doominta ka qaadaan shacabka degan deegaanka Galgala iyo tuulooyinka ku dhow magaalada Boosaaso;
  5. Waxaanu diidanahay hadalkii kasoo yeedhay madaxweeynaha ee uu ku baaqay in beelaha Puntland ay hubka qaataan, waxaanuna u aragnaa hadalkaa mid khal khal gelinaya nabada Puntland. Anagoo aaminsan in wax walba marka hore nabad lagu dayo, xalka ugu danbeeyana noqdo dagaal hadii nabad wax lagu qaban waayo.

Shirkan waxaa kasoo qayb galay:

  1. Nabadoon Warsame Adan Geesood
  2. Nabadoon Cabdilaahi Maxamed Xassan Muuse
  3. Nabadoon Axmed Siciid Madaxay
  4. Nabadoon Siciid Xasan Xaaji Yuusuf
  5. Nabadoon Saxaradiid Ali Dhawaaq
  6. Nabadoon Abdi Ali Farah
  7. Nabadoon Cabdi Ibrahim Jarjoor
  8. Nabadoon Abdi Salaad Farah
  9. Nabadoon Maxamuud Cumar Muuse
  10. Nabadoon Faarax Cali Ilsar
  11. Nabadoon Bashiir Faarax Taalaherdi
  12. Nabadoon Boqole Cabdi Qacle
  13. Nabadoon Yuusuf Boobe
  14. Nabadoon Cabdi Halac
  15. Nabadoon Maxamuud Cismaan Yuusuf
  16. Nabadoon Ahmed Maxamed Xasan (Mucaarad)
  17. Nabadoon Axmad Saalax Caynab
  18. Nabadoon Cabdi Kilwe Cismaan
  19. Nabadoon Maxamed Yousuf Shire
  20. Nabadoon Muuse Gabayre Axmed
  21. Nabadoon Salaad Siciid Jibe

Wixii faahfaahin ah, lasoo xiriir gudigaodayaasha@gmail.com

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos