Daawo Mudaharaad Kale oo Borama Ka Socda Maalintii Labaad & Wararkii u Dambeeyey ee Boorama
Maalintii labaad magaalada Borama waxa ka socda mudaharaadyo si weyn loo soo abaabulay oo ay ka qayb qaateen Saladiinta Gobolka iyo Masuuliyiinta laamaha waxbarashada, Ganacsiga, Ururada Haweenka iyo Ardayda waxkabarata Jaamacada Camuud. Mudaharaadkan oo lagaga soo horjeedo dawlada cusub ee Somaliland ayaa waxa uu ka dhacay fagaaraha weyn ee Khayriyada Borama.
Suldaan Saleebaan (Suldaanka Guud ee Beelaha Reer Nuur ) oo ka mid ahaa Saladiinta sida kulul uga hadashay diidmada dawlada cusub ee Somaliland ayaa waxa uu sheegay in uu aad ula socday maamulka cusub ee madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud inuu wadanka ka dhalin doono qas iyo aamindaro ka dhex dhalata umada soomaaliland.
Saladiinta gobolka ee iyaguna dadweynaha isugu soo baxay khayriyada Borama la hadlay waxa ka mid Ahaa Suldaanka Beesha Jibriil Yoonis waxaanu suldaanku sheegay in beeshiisu aanay aqbali doonin dawlada cusub ee Somaliland oo uu ku tilmaamay mid lug kaliya ku boodaysa ama hangoolaynaysa.
Mudaharaadkan maanta ka dhacay Khayriyada Borama ayaa la qiyaasay dadweynaha isugu soo baxay inay dhanaayeen kudhawaad 67,000 kun oo qof.
Sidoo kale magaalooyinka Saylac, Boon, iyo Dilla oo ka tirsan gobolka Awdal ayaa iyagana maanta laga soo waramayaa in mudaharaadyo nuucan ah oo lagaga soo horjeedo golaha wasiirada dawlada cusubi ku dhawaaqday.
Madaxweynaha la doortey ee Jamuuriyada Somaliland M/ Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo ) Ayaa todobaadkii inaga tagay ku dhawaaqay gole wasiiro ka kooban 20 wasiir oo badankoodu ka soo jeedaan beelaha Isaaq ee Jamuuriyada Somaliland.
Badhasaabka G/Awdal oo iscasilay, ka dib Markii Ciidamo xad-dhaafa oo laga keenay Hargeysa Boarama lagu daadshay iydoon isaga lagala tashan
Badhasaabkii gobalka Awdal Maxamuud Sheekh Cabdilaahi Cige ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi, waxuuna ugu baaqay Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Somaliland inuu soo magacaabo Mas’uulkii badali lahaa berito.
Badhashaabka waxuu sheegay in maanta Wasiirka arrimaha gudaha ee cusub lagu wareejiyay xafiiskiisa waxuuna ugu baaqay in shaqada ugu horeysa ee uu qabto ay noqoto inuu berito soo magacaabo Guddoomiyaha cusub ee gobalka Awdal ee isaga badali lahaa maadaama uu iscasilay, waxuuna sheegay inuu la shaqeyn dono Guddoomiyaha cusub ee gobalka loo soo magacaabo waayo aragnimadiisana ku saacidi doono.
Mas’uulkaan waxuu sheegay in xalay magaaladan Boorama xalay lasoo galiyay ciidamo Boolis ah oo laga keenay magaalada Hargeysa kuwaasoo uu sheegay in lagala tashan soo galintooda gobalka Awdal oo isaga mas’uulkii ugu weynaa yahay lana dhowri waayay mas’uuliyadiisa iyo shaqada uu shacabka u hayay.
Sidoo kale, Maxamuud Sheekh Cabdilaahi Cige waxuu sheegay in dadka yihiin Walaalo lana iska hilmaamo murankii iyo cuqdadii caloosha la isku hayay, waxuuna sheegay inuu Kulmiye ku guuleystay doorashadii 26-kii June ka dhacday Somaliland haboon tahayna in lala shaqeeyo dowlada cusub.
Waxuu ka hadlay rabshadaha ka dhacay magaalada Boorama, waxuuna ku eedeeyay inay wadaan Rag xilal kasoo waayay dowlada cusub ee M/weynaha ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Iscasilaada Maxamuud Sheekh Cabdilaahi Cige Khayaad Badhasaabkiigobalka Awdal ayaa kusoo beegmaya xili magaalada Boorama ee caasimada gobalka Awdal ka dhaceen dibadbaxyo loogu soo horjeedo dowlada cusub ee M/weyne Siilaanyo, waxuuna shalay siiyay Wareysi Idaacada BBC-da Laanta Afka Soomaaliga taasoo caro xoogan ka muujiyeen shacabkii dibadbaxyada sameynayay.

Isha: Saylacmedia












