Diyaar garowga Xuska Munaasabada 1-da August Oo Laga dareemaayo Magaaladda Garoowe
Magaaladda Garoowe ee caasimada Puntland ayaa si weyn looga dareemaaya u diyaar garowga munaasabada 1-da August oo ku beegan 12-sano guuradii kasoo wareegtay aas aaska Puntland.
Dadweynaha ku dhaqan magaaladda Garoowe ayaa si aad ah u hadal haya xuska munaasabadaas oo lagu wadoo in maalinimada berito laga xuso gobolada Puntland iyadoo munaasabada ugu weyn lagu qaban doono magaaladda madaxda Garoowe oo ay ku suganyihiin inta badan Golaha Wasiirada iyo madaxda Dawladda Puntland oo ugu horeeyo Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud.
Ciidamada ayaa si aad ah u sugaaya amniga guud ee magaaladda iyadoo xilliyada habeenkii wadooyinka lagu arko ciidanka oo howlgalo samaynaaya.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Faroole ayaa hore u magacaabay guddi ka shaqeeya qaban qaabada munaasabadaan oo Guddoomiye looga dhigay Wasiiru dowlaha maamul wanaaga Maxamed Faarax Ciise Gaashan.
Guddigaas oo ka kooban 13-xubnood ayaa maamihii lasoo dhaafay si aad ah ugu mashquulsanaa qaban qaabada munaasabadaan.












maansha allaah taleex waa dhulkaygii …waan u xiisay insha allaah xili aaan fogeen ayaan imaan ….puntland allow horumar iyo midnimo gaarsii…viva ssc ..viva puntland
asc wr wbr waar bahda taleex.com waan idin salaamay salaan kadib heestan calanka Putland loo sameeyey mid wacan ilama ahan calankii cawaale iyo balaya meesha kasoo uraysa kolkaa hadii aysidaa tahay dee inaanu calan gooniya samaysano ba ilama ahayn waayo kii kala miraha heestu kahadlayaan kolka wax Puntland iyo waqooyibari kahadlaya un baanu rabnay ee baarlamanka Puntland ee waxay rabaan iska ansixiya shacabka Puntland ma mataalan ee taa un ha ogaadeen .
walaahi reer taleex waa gob aan la heli karin-nasab aan nusqaan lahayn.
hadii lahali lahaa web- sida aad daadcad ugu tihiin guud ahaan ummadda reer puntland malaha waan hubaa in ay guul gaari lahaayeen , kabadan inta ay maanta haystaan.
mar labaad waa mahadsan tihiin!