Published On: 31 July 2010 6:55 pm

Hogaamiyaasha Beelaha Reer Sheikh Samaroon oo Soo Dhaweeyay Mudaaharadkii Dhacay

Hogaamiyayaasha Beelaha Samaroon ee Gobolada Awdal Iyo Selel ayaa si wayn u soo dhaweeyay una hambalyeeyay dadkii mudaharaadka Borama soo abaabulay.  Shirkan ayaad u eg in beeshu  diyaar u tahay inay xulato hogaan  ayna ismaamul gooni ah la sameysto, inkastoo jahwareer iyo cabsi ka muuqatay raggaa qaarkood markii shirkii dhamaaday.

Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo ugu horayn arintaa ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu mahadnaqayo dhamaan dadkii geesinimada muujiyay kana qeyb qaatay mudaharaadyadkan. Ugu dambayntii waxaa shirkaan tageeray Guddoomiyahii hore Gobolka Awdal ee Xisbiga UCID Axmed Muumin Seed, kuna tilmaamay hadal aan laga fiirsan hadaladii ka soo yeeray Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal, sheegayna in uusan mas’uul ka ahayn ama Aqoon durugsan iyo khibrad toona u lahayn dowlad u sameynta iyo mustaqbalka guud ee reer Awdal.   Suldaan C/raxman ayaa si lama filaan ah u cambareeyay mudaharadkan shalay galabnimadii.

Iskastoo qasaaro dhimasho iyo dhaawac midna aan la sheegin, hadanaha, hogaamiyayaashan ayaa sheegay in ay ka xumaadeen in tacshiir shacabka xagooda lala beegsado.

Sahuur Xuseen Rabiile, Borama, Awdal
Awdalone@gmail.com

Displaying 1 Comments
Have Your Say
  1. Xassan says:

    Waa sheeko Fiican