Published On: 31 July 2010 9:58 pm

Sheekh Shariif oo ku laabtay Muqdisho kana hadlay safarradii uu dibadda ku soo maray

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh oo maanta dib ugu laabtay Muqdisho ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa ku sheegay in beesha caalamku ay diyaar u tahay inay xukuumaddiisa taageerto.

“Beesha caalamku waxay diyaar u tahay inay gacan ka siiso dowladda sidii ay dalka ugu soo celin lahayd nabad iyo daganaasho, kaddib 20-sano oo ay dagaallo socdeen,” ayuu Madaxweyne Sheekh Shariif ku sheegay shir jaraa’id oo uu kaga warbixinayay safarro uu todobaadyo kusoo maray dalka dibaddiisa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay inay isabadal ka sameyso dalka, isagoo ku eedeeyay Xarrakatul Shabaab inay kasoo horjeedaan in deggenaasho ay Soomaaliya ka dhacdo.

“Xarrakatul Shabaab, waxay dalka soo geliyeen dagaalyahanno shisheeye ah oo ka yimid dalalkooda, kuwaasoo qayb weyn ka ah dhibaatooyinka dalka ka jira,” ayuu yiri Sheekh Shariif oo intaas raaciyay in dowladdiisu ay ka go’an tahay inay dalka wax ka qabato.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa safarro kusoo kala bixiyay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay dalalka Masar, Talyaaniga, Jaad iyo dalka Uganda oo uu kaga qaybgalya shirkii ururka Midowga Afrika, kaasoo lagu go’aamiyay in ciidamo dheeraad ah loogu diro Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa gacanta ku haysa degmooyin kooban oo ka tirsan Magaalada Muqdisho, halka xoogagga ay dagaalka kula jirto ee Xisbul Islaam iyo Xarrakatul Shabaab ay gacanta ku hayaan inta badan gobollada dalka.

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos