Published On: 2 August 2010 11:41 pm

Sir Ka Fakatay Shiikh Shariif

Qoraal Dhawaan alagu daabacay Jaiirada Sharqal Awasat ayaa ka hadlayey Sir laga soo helay xafiiska Madaxweynaha DFKM Somalia Shiikh Shariif .

Qoraalka oo ku daabacnaa afafka Carabiga iyo Ingiriiska ayaa af Somali ku noqonaya sidatan, Haddii aad dooneyso nuqulada carbiga iyo Igiriiska ku dhufo Link-yada hoose

******************************************************************

JS/XM/194/09                                                                          12 Sebtember 2009

Qoraal koobaya istaratejiyada siyaasadeed

Tan iyo markii la igmay DFKMGS, inta ay dejin laheeyd istaratejiyad siyaasadeed ee cad waxeey ku mashquushey ka daba taga siyaasadaha xoogaga ka dhisan gudaha iyo dibeda, dowladaha iyo hay’adaha. Arrintaan waxeey saldhig u tahay horumar la’aanta laga dareemayo qaybaha ugu muhiimsan ee kala ah amniga iyo dibuheshiisiinta. Habacsanaantaan siyaasadeed waxeey dooneeysa saxid degdeg ah.

DFKMGS oo ka jawaabeysa habacsanaantaan waxeey magacowdey guddi aqoonyahano Soomaaliyeed oo ay u xil saadhey talo bixin istaratijadeed. Guddiga aqoonyahano wuxuu soo gudbiyey qorshaha siyaasadeed ee xiga kuwaasoo ay Dowladu ansixisey.

Siyaasada Dibeda

1.   Xulufada: Xulufada dabiiciga ee Dowlada Soomaaliyeed waa Jaamactul Carabiya iyo dalal kale ee Muslimiin gaar ahaan kuwa ay Dowladu la leedahay xiriir aad u sokeeya sida Sucuudiga, Qatar, Masar iyo Suudaan. Inta aan lagu dhaqaaqin tilaabo kaste oo siyaasadeed waxaa laga maarmaan ah in marka hore lagala tashadaa Dowladahaan walaala ah si looga helo talooyin iyo taageero.

2.   Dowladaha Qarbiga: Xiriirka Dowladaha Qarbiga wuxuu leeyahay fa’iido iyo khasaare. Faa’idada ku jirta waxa ay tahay dacmiga iyo taageerada nafsiyan laga helo. Hasa yeeshee dhinaca kalena khasaarada ku jirta waxa ey tahay fara gelinta siyaasadeed ey wataan waayo xoogaaga mucaaradka kuma kalsoona Dowladaha Qarbiga taas awgeedna diyaar uma ah ama in ey joojiyaan dagaalka ey Dowlada kula jiraan ama in ey Dowlada ku biiraan.

Dibuheshisiinta ayaa in door ah ka muhiimsan dacmiga laga helayo Dowladaha Qarbiga oo mar kaste muujiya aqoon daro ku wajahan xarig jiidka siyaasada Soomaaliya. Arimahan awgood waxaan ku talinaynaa

a.     Iyadoo la tixraacayo nidaamka wada xaajoodka Dowladu waa in ey mar kaste kacdoonka la wado wada xajood xitaa haddii eysan Dowladaha Qarbiga la soconin ama taageersaneen.

b.     Dowladu waa in mar kaste ey la tashataa Dowladaha Carbeed iyo kuwa Islaamka ah oo la isku haleeyn karo ka hor inta eysan ku dhaqaaqin wada xajoodka quseeya dalka gudahiisa.

Siyaasada Gudaha

1.     Maamul Goboledyada: Maamul Goboleedyada waa caqabad hor taagan midnimada Qaranka Soomaaliyeed sababtoo ah:

a.     DFKMG daacad uma ah.

b.     Si madax banaan beey u dhaqmaan;

c.     Mararka qaarkood siyaasadooda waxeey qilaaf ku tahay siyaasada Dowlada dhexe.

Sababahan awgood, DFKMG waa in ay qaadataa go’aan adag oo lid ku ah Maamul Goboleedyada waana in aysan la yeelanin xiriir diblumaasi Dowlad kaste oo Maamul Goboledyada la leh xiriir siyaasadeed iyo amni.

Waxaa kaloo intaaas sii dheer in Wasiirada iyo Xildhibaanada asal ahaan ka soo jeeda degaanada Maamul Goboleedyada la siiyo xoriyada ey Dowlada kaga baxaan ama in ey ka noqdan xubin adag. Waa in aan laba codleeynta loo dulqaadanin.

2.       Midnimada shacabka: Shacabka Soomaaliyeed waa in lagu beeraa shucuur   wadaninimo iyo isku xirnaasho. Shacabku iskuma xirnaan karo haddii uusan hadaf jirin ama wax wadaninimo u eg. Arimahaan awgood waxaan ku talo bixineynaa:

a.     In DFKMG ey dib boorka uga jafto siyaasadii Siyaad Barre ku saleesneed Soomali Weyn (micnaha siyaasadaan waxa weeye Kililka Shanaad ee Itoobiya iyo Northern Frontier Districts ama Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya).

b.     In dalka oo idil laga hirgeliyo Shareecada Islaamka si loo micno tiro barbagaanka kacdoonka.

c.      In gobolada iyo qabaa’ilka dalka oo idil si siman loogu qaybiyo khayraadka dabiiciga.

3.     Ahlusunna: Dowlada waa in ey gaashaanka ku dhufataa ama gebi ahaanba iska fogeeysaa in ey xiriir rasmi ah la yeelato Ahlusunna sababaha xiga awgood.

a.     Ahlusunna waxeey mabda’a ahaan ka soo horjeedaa DFKMG iyo xoogaga ka so horjeeda oo ay Dowladu dooneyso in ey la heshiiso.

b.     Ahlusunna kuma qanacsan wax ka yar in ey gacanta ku dhigaan talada dalka oo dhan waayo waxeey waxeey aaminsan yihin in ey shacabka Soomaaliyeed ka haystan aqlabiyad buuxda.

c.      Ahlusunna waa urur aan isku duubneeyn taas awgeedna aad beey u adagta in lagula heshiiyo qodobo laga midoobi karo.

Arimahaan awgood waxaan Dowlada kula talineynaa in ey horey u si wado wada hadalada ey kula jirto ururada kala duwan ee Ahlusunna inta aan ka aheyn ururka ugu muhiimsan ee leh tayo milatari.

Hoostaan waxaa ku lifaaqan qoraalka talo bixinta oo faahfaahsan uu gudiga aqoonyahanada diyaariyeen.

Saxiixayna
Sharif Sheekh Axmed
Madaxweynaha Jamhuriyada Soomaaliya

Siraha Qarsoon ee Madaxweynaha DFKMG Hoos ka akhriso.

1 2 3 4

Displaying 2 Comments
Have Your Say
  1. axmed daad says:

    RUNTII ANIGA OO KA SOO JEEDA MAAMULGOBOLEYADA AYAAN HADANA AAD UGU BOGEY RAGGA AQOON YAHANADA AH EE QORAY STRATIIJIYADAAN ,SIYAASADA MAANTA KU WAJAHAN,MAXAA YEELAY MAAMUL GOBOLEEDYADA WAXAA AAD U DANAYNAYA ITHOPIA OO RABTA INAAN LA HELIN DAWLAD SOOMAALIYED OO AWOOD LEH. MARKA ALOOW FIICNAANLAHAYDA INUU KU DHAQAAQO. ISMA ORAN RAGBAA HARAY TALADAA QAALIGA AH ULA BAREERIKARA,MADAXWEYNE GACAN XABASHI KU JIRA. MAHADSANIDIN. ASCWW.

  2. Eng Ali Mohamud says:

    Waxaan aamin sanahay in agendahani uu yahay kan kaliya ee lagu caana maali karo. waan taageersanahay waxaanan ku faraxsanahay in qorshahani uu Madaxwaynahu ku dhaqmo.

    Wax lagu saluugo maba leh haba yaraatee. wuxuu kulansaday Midnimo, soomaalinimo, shareeco iyo mucaaradka oo lala heshiiyo oo kii aan heshiis rabina la micnitiro. iy waliba dhagarta shisheeyahay uu ilgaara lagu fiirsho ayagoo laga qaadanayo wixii nacfiya. Maashaa Allaah