Sheekh Atam Oo Shaar-Qabiil Xirtay Kadib Markii Ay La Taliyeen Ehelkiisa
Sheekh Maxamed Saciid (Atam)ayaa kala hadlay,taasoo ka-yaabisay Shacabka Puntland iyo dhageystayaal badan oo laba maalin ka-hor dhegeystay isagoo ku-faanaya inuu ka mid yahay Ururka Alshabaab.
Hadaba wareysi uu la yeeshay Suxifi ka-tirsan Idaacada VOA ayuu markan ku sheegay inuusan ka tirsaneyn Ururka Alshabaab,balse uu difaacayo dadka deegaanka,taasoo loo fasirtay inuu ku dagaal galayo markan magaca Beelaha dega Gal-Gala ee kala ah(Wabeeneeye,Cali-Jabraahiil,Shalayaan-Degay,Kaskii-Qabe,Jambeel iyo Jilibka Dubeys (Warsangali)ee uu ka dhashay Sheekh-Atam,balse Sheekha ma is-weydiiyay inay Gal-Gala degaan Qabaailo badan oo aan dagaal dooneyn?
Sheekh Atam ayaa loo badinayaa inay talo-siiyeen qaar ka mid ah Qaraabadiisa,kuwaasoo kula taliyay maadaama magaca Alshabaab uusan ka gad-maneyn dadka Puntland,inuu qaato shaar-Qabiileed,taasoo loo badinayo inuu ku fashilmi-doono.
Wariye Cali-Xaraare oo la saadaalinayey inuu weydiin-doono Wadaadkan sababta keentey barta internetka (Paltalk) inuu ku faanay dilalka ka dhaca Bosaso ee loo gaysto Saraakiisha Puntland Kooxdiisu ka dambeyso isagoo xusey in shacabka raali ka yihiin khaarajinta iyo argagaxa uu Boosaaso ka sameynayo,balse taa bedelkeeda Weryihii wuxuu wareystay mid ka mid ah Afhayeenada Alshabaab oo ku markhaati furay inuusan Sheekh Atam iyaga ka tirsaneyn
Sheekan ayaa sheegay in hadafkoodu yahay in ay xukumaan oo shareecada ku dhaqaan goobaha yar ee ay ku sugan yihiin, “Faroole Bosaso ilaa Gaalkacyo ayuu ka taliyaa laakiin intaan yar haddey go’aansadeen in ay is maamulaan oo shareecada isku dhaqaan waa maxay waxa laga rabaa” ayuu yiri mar uu wareysi siinayey Cali-xaraare oo ka tirsan Bahda VOA-da