Published On: 8 August 2010 1:37 am

Safiirka Dawlada Ingiriiska u Fadhiya Kenya oo u Waramay Taleex Media (Dhageyso)

Safiirka Dalka Ingiriiska u fadhiya dalka Kenya Rob Macaire CMG ayaa daboolka ka qaday in dawlada Ingiriisku aysan diyaar u ahayn in ay kala qaybiso dalka Somalia.

Mr Macaire oo wareysi gaar ah siiyey Shabakada Taleex Media ayaa amaanay habka loo qabtay doorashadii ka dhacday gobolada Waqooyi Galbeed Somalia isagoo intaa raaciyey in dawlada ingiriisku yahay hadafkeeda in dalalka soo koraya lagu barbaariyo nidaamka dimoqoraadiyada.

Safiirka waxaa uu sheegay in dawlada boqortooyada Ingiriisku aysan diyaar u ahayn in ay faragaliso amuuraha gudaha ee Somalia iyo habka ay isu maamulayaan balse hadafkeedu yahay in ay xoojiso nidaamka dimoqoraadiyada.

Mr Macaire waxaa uu aad u amaanay qaabka loo maareeyey aftidii dastuurka ee dalka Kenya taaso loo codeeyay 4 bishan waxaana uu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in si nabad galyo ah u dhacday oo uu dalka Kenya ka bad baaday dhibaatadii dhacday doorashadii 2007.

Tafatiraha Shabakada Taleex Media Maxamed Cali Cilmi oo wareysigaasi garaka ah la yeeshay safiirka ayaa weydiiyey eedeynta loo soo jeediyo dawlada Ingiriiska ee ah in ay kala qaybineyso dalka Somalia oo ay taageerto maamulka goonigoosad doonka ee la magac baxay Somaliland ayaa waxaa uu safiirku kaga jawaabay in aysan wadan qorsha ay ku kala qaybinayaan dalka Somalia.

” Haddii su’aashaadu tahay in aanu wadano qorsha aanu ku kala qaybineyno Somalia, Maya, maya taasi ma jiro gabi ahaanba, Waxa kaliya ee aanu ku dedaaleyno waa sidii loo xalin lahaa dhibaatada dalka Somalia haysata, waxaaanu ka shaqeynaa oo maalgelinaa sidii arimaha bani aadamnimada loo hormarin lahaa iyo dhinaca siyaasada , balse door kayagu ma ahan in aanu u yeerino habka Somalia loo maamulayo” ayaa uu yidhi Safiirku.

Kooxda ka talisa maamulka la magaac baxay Somaliland ayaa oogu sheekeysa shacabka goboladaas in dawlada Ingiriiska ay taageero aqoonsi u raadineyso oo dhawaan lagu dhawaaqi dono hase ahaate waxaa uu safiirka ingiriiska ee Kenya u fadhiya daboolka ka qaaday in aysan diyaar u ahayn dawlada igiriiska kala qaybinta Somalia.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Displaying 1 Comments
Have Your Say
  1. Salmaan says:

    Well done Wariye M Elmi very valid question you asked. Keep it up this is very transparent website unlike other that based fantasy.

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos