Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland oo Booqday Galgala (Daawo)
[nggallery id=1]
Wafti uu hogaaminayo Madaxweyne Ku xigeenka Dowlada Puntland Gen,C/samad Cali Shire oo isugu jira qeybo ka mid ah Xukuumada Dowlada Puntland & Bahda Saxaafada ayaa Maanta gaarey tuulada Galgala.
Waftiga Madaxweyne ku xigeenka ayaa si aad ah loogu soo dhaweeyey Galgala Halkaa oo maalmihii Lasoo Dhaafey buuraha ku hareersan dagaal uu ku dhex marey ciidamada Dowlada Puntland & Koox maleeshiyo ah oo taabacsan Maxamed Siciid Atam.
Madaxweyne Ku xigeenka ayaa khudbad ka soo jeediyey Tuulada Galgala Markii uu Gaarey,Wuxuuna la hadley qeybo ka mid ah Waxgaradka halkaasi ay ugu tageen iyadoo uu ka codsadey in ay kala shaqeeyaan ciidanka soo Qabashada kooxaha faro ku tiriska ah ee Hadda ay ku raad Joogaan.
Dhanka Kale Col,Cumar Cabdulaahi oo u Waramayey Radio Garowe Islamarkaana ka mid ahaa Saraakiishii Baaritaanka ku sameeyey Gurigii uu tuuladaasi ku lahaa Maxamed Attam ayuu sheege Cumar in ay kasoo saareen 12 Qarax oo meesha ku diyaarsanaa kuwaas oo ahaa kuwo Remote Controlka ah,Matoor weyn oo ah midkii laga sameyn Jirey Qaraxyada & Documentiyo cadeynaya halka uu xiriirka la leeyahay,Iyadoo uu intaa Cumar dabo dhigey in bahda saxaafaduna ay usoo bandhigeen.
Qabashada Galgala oo caan ku ah buuro dheer dheer ayaa ka danbeysay ka dib markii ciidamada Dowlada Puntland Dagaal la galeen 24 Saac ee Lasoo Dhaafey Kooxo Maleeshiyo ah oo taabacsan Ururka Alshabab kuwaas oo gabi,ahaantoodba meesha laga Saarey.










