Somaliland oo dagaal diimeed culus ka biloowday “Wasiir hanjabay”
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Ahmed Mohamud Ahmed (Aayatulaah) ayaa sheegay inay Somaliland qabsadeen Wahaabiyo Khawaarij gerka xiirtay,uuna muuqaalka yahay in dagaalkii koofurta ka dilaacayo Somaliland si loo ciribtiro.
“Madaxweyne Siilaanyo waa Cilmaani laakiin dhamaan Wasiiradda uu magacaabay waxay u badan yihiin wahaabiyo,Khawaariij gerka xiirtay,Wasiir ku sheega diinta iyo Awqaafta ee Khawaarijka Khaliif Abdullahi Ahmed wuxuu Idaacadda Hargeysa ka mamnuucay nabi amaanadii iyo barnaamijkii Neecaawda Ramadaanka ee toban sano uu akhrinayay Sheekh Ahlusunah ah,qaadiriya ah,taasi lama aqbali karo,hubkeena ayaan qaadaneynaa,waana la jihaadeeynaa Khawaarijta”ayuu yiri Sheekh Ahmed Aayatulaah oo khadka telefoonka ugu waramayay Radio Shaaficiyah isagoo jooga Magaaladda Hargeysa.
Sheekh Ahmed Aayatulah oo Dowladii Mohamed Xaaji Ibrahim Cigaal ka ahaa Wasiirka diinta iyo Awqaafta wuxuu Shacabka Somaliland ugu baaqay inay feejignaadaan una diyaar garoobaan Jihaad.
“Reer Somaliland waxaan leeyahay dadka aad doorateen maaha dad caadiya,Waa nala soo galay,Wahaabiyadii,Khawaarijtii koofurta ayaa la wareegtay taladii dalka,waxay mamnuuceen Nabi amaanadii,Neecaawdii Ramadaan,waxaan u fadhinaa iima muuqato,maxaa yeelay Wahaabiyada waa lagu yaqaan naceeybka nabigeena Muxamad NNKH,asal iyo hido ayey naceybka nabiga u leeyihiin,waxaan leeyahay reer Somaliland mar kale ,hada unbeey balaayadii idinla soo deristay ee fadhiga ka kaca”ayuu yiri Sheekh Aayatulaah.
Mar la waydiiyay sida shacabka Somaliland u arkeen amarka Wasiirka cusub ee Diinta iyo Awqaafta Xukumadda Siilaanyo wuxuu ku jawaabay “Shacabka iyo Culumadda Ahlusunah ee reer Somaliland boqolkiiba boqol,way ka gilgisheen,inta yar ee raacsana waa u riyaaqsan tahay”
Sheekh Aayatulaah oo ka mida Mashaa’iqda Ahlusuna ee Somaliland ugu caansan wuxuu tibaaxay in Wahaabiyadda,Khawaarijta Al Shabaab tirooyin badan isku dayeen inay xoog ku qabsadaan Somaliland laakiin markii ay ka quusteen ay si farsameeysan siyaasad ugu qabsadeen taladda dalka.
” Waxay dooneysay wahaabiyada waa ku guuleeysatay,markii ay xoog ka quusteen ayey siyaasad ku qabsadeen dalka,waxayna doonayaan inay nabadgelyada ku burburiyaan sidaan,waa dariiqa kaliya ee hadafkooda ahaa,laakiin waa la is arkayaa”ayuu yiri Sheekh Ahmed Aayatulaah.
Sheekha mar la waydiiyay in Siilaanyo Wahaabiyada ka mid yahay wuxuu kaga jawaabay” Ma ahan Wahaabi,Siilaanyo waa Cilmaana,wuxuu ku waashay xukunka inuu qabto,markii uu qabtana wuxuu talada ku wareejiyay shaqsiyaad Khawaarija oo damaciisa ku garab siiyay”
Sheekha wuxuu ku celceliyay,tabahii hore markii ay u socon weyday Wahaabiyadda,tabtaan ayaa u socotay,wayna qabsadeen dalka Somaliland.
Sida muuqato Somaliland waxaa ka dilaacay dagaal diimeed,aan la ogayn halka uu caga dhigan doono.










