Dhanbaal oo Warbiixn Ka Qortay Ciidamadii Jaamac Siyaad ee SSC oo ku Biiray Somaliland
Hubkii & Ciidamadii Beesha Jaamac Siyaad ee Ku sugnaa in Mudo ah Jiida Hore ee Ciidadamada SSC ayaa Qaar Ka Midi Maanta u Baxsadeen Kuna Biireen Ciidamada Somaliland, Qori Baroon ah oo uu Waday Bidaar Xassan Madoobe iyo Ciidan Kii Saaraa ayaa Waxay Ku biireen Ciidamad Mahad Canbaashe.
Maaha Markii Ugu Horaysay ee Ciidamo Beesha Jaamac Siyaadi u Baxsadaan Maamulka Somaliland , Tanise Waxay Sii Xoojinaysaa Shakigii ay Beelaha Dhulbahante Ka Qabeen Beesha Jaamac Siyaad oo Lagu Tiriyo Beelaha Taageerada Weyn u Haya Maamulka Somaliland.
Goosashada Ciidamadan ayaa waxaa Loo aanaynayaa laba arimood, arinta koowaad ayaa waxaa la sheegay kadib markii uu xidhiidh la soo sameeyey mahad canbaashe oo Kamid Horgalada Ciidamad SNM, arinta Kale ayaa waxaa Lagu Fasiray Nolol Xuma Soo wajahaday Ciidamada oo ay in badan ka Cabanayeen.
Isha: Dhanbaal.com











Waxa aad moodaa dhulbahante wali in uu qabo phobia ah Isaaq yaanuu i maamulin. Horta suaashu waxa ay tahay Dhulbahante goormuu is maamuli jiray, waligeed ma uu noqon Madaxwayne ama Prime Minister… Waxa iga talo ah, maanta Dhulbahante waxa uu noqon karaa Somaliland President waayo kama liidano Samaroon, Isaaqna kama yarin tiro ahaan… Waa in la galaa Somaliland oo miisaan siyaasadeed la sameyaa oo Political Party aynu samaysanaa.
Somaliwayn waa dhamaatay oo baabaday— Puntland inama rabto — Hadaba hadii Somaliland diidaan ma Ethiopia ayaad u gali.
Salaam
waa arkay rag badan oo hadlo ku soo qoray ay kaga hadlayaan isma xukumi karno aynu iska raacno soomaliland oo puntland inama rabtee waxaan filayaa waxaad walaalkaa kugu rabi waayey Abshir Ali Graadow ma is waydeesay tan kale ma ninka dalkaagaaii iyo dadkaagii barakacshay ayaad iminka leedahay aan wax ku darsado ogow waligii sidaas ayuu kuu karbaashayaa oo dhulkaagaaga taako taako u qaadanayaa sanad walba maanta waxay joogaan Laascaanood oo way soo dhaafeen Caynabo iyo Yagoori Adhicadeeye Laascaanood marka aad walaakaa aad ka carartid oo aan dhulkaagii taako kaa qaadan oo kugu xeerinaya tolnimo in aad u tustid Cadaw, Isaaqna waan is fahmaynaa oo wax baan la qaybsan karnaa somalidu waxay ku maah maahdaa (bahdi Ka Carare Bahal baa cidla ku cuna) tii ayaad ka dhigan tahay caliyow Majeerteen waa ku difaacay hadii aadan idhaha iska reidayn oo aad dhabarka ka toogateen marka Caliyow isku fiiqa Farta idinku arintu meeshay ka qurntay waa dhexdeena waxba yeynaan dadka kula gal galan runta aan isu sheegno Dhulbahante ma aha Jaamac Siyaad iyo bahararsame iyagaa keenay iidoor Laascaanood Marka Cali garadow labadaa jilib ayaad tahay midkood marka taada ayaad ka hadashay. arintaanua waa mid u taal dhlbahante ee adigu u naqdoo hargaysa. waa iga talo intaasu
Marka hore Ramadanul Kariim,
marka xigta, waxaan u sheegayaa, bahweynta dhul bahante, meel kasta oo ay joogaan, in maanta waxii jiray la arkayo, oo midhaheeda la sugayo
Puntland waxba inooma ogola, Somali weyna, waa taas is dhamaysay, oo meel lala midoobo, iyo dad wax lagu darsan karo maaha, ee aynu danteena eegano, inagoo midaysan, oo kala tafaraaruqin. inta marba midkeen carari lahaa,, kolayba hadii sidaas ay tahay, wax xaqiiqo ah
Somaliland maaha abtirsiimo, waa dad walaaladeena, dhaqan iyo dhiig, iyo deegaan, iyo diinba aanu wadaagno, runta marka laga hadalayana,
waa dad wax inoo ogol, oo wax lala qaysban karo, inta tuug teenu iyo wax magardu, marba barmaajid, aan meel gaadheyn ina galinayaan
aynu ka shaqeyno, in aan SOmaliland wax la qabsano, oo ka shaqeyno, horu marinta ubadkeena iyo dhulkeena. inaga oo ku nool nabad galiyo
Maanta Somalilan waxay inoogu baaqeen, nabad, waar nabada lama diido, ee aynu qaadano, waayo, sida ay sheegeen, danta cidkasta, nabada ayeey ku jirtaa
dadkeena qurba jooga ahi, hadii ay doonayaan, in ay wax nala qabtaana, haka shaqeeyaan, dhakhaatiirta, schoolada, iyo dhisida ile dhaqaale, oo bulshada dhulbahante guud ahaan ay ka faa iidayaan, taas ayaanu wax ku noqon karnaa.
mar hadii la yidhi, wada xaajood ayaynu, wax kasta ku dhamaynayanaa,
mar hadii aad aragtaan, in kaan aaminaaba dantiisa eeganayo
mar hadii aad aragtaan, soomaliweyn oo is cuntay, oo baa ba day
mar hadii aad aragtaan, inagoo xuquuq iyo xukunba laynoo ogol yahay
mar hadii aad aragtaan, dhibta ugu weyn ee beesha haysataa in ay tahay
jaahil nimo, caafimaad xumo, shaqo lahaan, iyo guryo xumo.
waxay ila tahay, intaynu tashano, in aynu Somaliland maanta wax la qaybsano, rageena hubaysana, ciidadama somaliland ku darsano
ganacsatadeenu, ay ganac sadaan
taas weeyaan danta beeshu, meel kastooy joogto, okey
dagaal aan ilaahay ku badin lama raad sado
cuqaasha iyo wax garadkana waxaan lee yahay, noqda kuwo, nabada ka taliya, oo nabad jaceyl lagu xasuusto, ilaahayna ka baqa,
oo ogaada in aadan garaad u ahayn, beeshaad u dhalataye, umadoodhan si siman ay masuuliyadi kaaga saaran tahay.
sababta laguu doortayna tahay, kashaqeynta nabad galiya iyo danta reerka, ee aanay marnaba aheyn, in aad noqoto, mid aan intaas ku sifoobin.
Ilaahay, tawbada iyo danteenaba ha ina tuso
mahadsanidiin
ramadaan kariim dhamaantiin taa kadib nimanyahow hada maynaan dhalan waxaa awalba la ogaa in khilaafka guud ahaan ragaadiyey ssc uu ahaa laf dhabarna uu ahaa i xukimi meysid iyo walee adna i xukumi meysid hadeerna tii uun baa wali socota maxaad umaleynaysan barakd goonida u shireya inuu u shireyo ma midnimo dhulbahnte ayaa ku jirta in la kala shiro maxaa markii horeba ugaadhyahayn usoo kaxeystey majeerteen ma darood jaceyl iyo xubi harti maxaa jaamac siyaad iyo baharasme soomaliland usoo galiyeen ma jeceyl ay u qabaan isaaq waxan oo dhan ayaa la iska indho tireyey in mudo ah waxaan lagu jirey qusac balaad iyo in dumarka iyo caruurta la mash quuliyo waxuu yidhi ninkii wallee qudhaa xigi war dhulabahante isma xukumi karee halaxukumo hana la karbsshee daaya waligeed bay sidaa ahayeen naxnu wajadnaa aabaa,uunaa ila sayidkii ilaa siyaad barew ilaa ina yuusuf yeey waxaan ka mid ahaa dadkii berigiii puntland la sameyanayay caadifadu ka keentay hargeysa unicef baan u shaqeynayay inataan kasoo cararey baan shirkii imi mise markiiba shirku waa aroos oo kale oo cabdulaahi loo amaamudey markaa ayaan ciyaarihii aduunka iska faiirsanay hoteel daawad waxaan xasuustaa boqor cabdulahi king kong oo nala daawanayay ciyaarta oo leh war dhulabahantoow sayidkii waxaad u qaadeen “hooyadiiba nin dhashey cara seedbaa nin dhashey nin dhashey” siyaadna “guulwade siyaad are abahii garashada are geeyiga yagoow ? bal ii sheega heesta aad cabullaahina u soo diyaariseen ? waa la qosley raga habeenka halkaa fadhiyey waxaan ka xasuustaa ugaasska ina ciise nuur iwm haatan ii talin maysid kuu talin mayoo wadana tashan meyno soo dhamaataye maxaa inoo talo ah.
Dhamaantiin Asc.Jawaab ka celin dhambaalka uu qoray Faarax Kooreeye.
Waxaa ayaan daro ah in meel la wada dhigo Dalka ah la xoreeye iyo yaan
la gaajoon oo loo dhiman. Nikii raba inuu xoreeyo dhulkiisa waa inuu xamilo dhib kasta oo ku timada sababtoo ah xoraynta waxaa soo hoos geleeysa
dhibaato fara badan o eey ka mid tahay dhimasho, dhaawac ,gaajo. haraad, hurdo, la,aan jooga ah, daal iyo guure iyo gabal caraw.
Hadda waxaa noo cadaatay in arrintu aanney ahayn in dalka la xoreeyo
balse eey ahayd in xoogaa maleeysiya ah la urursho oo Qurbajoogta
lacag looga gurto .marka dembna lagula gorgortamo Dirta
Waqooyi , haddii aan idinku soo biiro maxaadna siin doontaan.
Waxaa ummadda Ssc lagula kacay khayaamo aad u fool xun.
waxeeyse keeni doontaa inaan dib laysu aaminin.
Ciidanka ku biiray Dirta waqooyi waa maga xumo u soo hoyatey
kuwii lahaa waxaanu horayn doonaa Gobolada ka maqan Ssc.
ma hadhin hadal lays yiraahdaa.
Marshaal.
waar nina gaajadu lama dhalan maxay wiilasha ugu gaajoonayaan meel aan waxba oolin caqli keena hadii kale nacnacda la kala taga sabarey iyo xaglo waxay injirtu ku cunaysaa buuhoodle dushiisa markaa yaan waxba indhaha layska tuurin ee dawladaa halga qayb galo majeerteena inama rabaan caruurta haynaga laynina daawo dhaawaca la siiyaana ma jirto xagee loo kacayaa ma labadaa segeger baynu raacnaa.
Dhamaantiin Asc.Runtii warka ku saabsan ciidamo ka tiran ssc
oo u goosatay dhinaca snmta . waa mucjiso iyo yaab naxdin leh
oo soo foodsaartay halgankii loogu jirey in lagu xoreyo Dhulka gacanta u jira
Beesha dirtay waqoyi. War yaa la aamini doonaa? haddii kii lahaa
dalka aniga xorayn lacagta ha la soo diro uu hubkii u gacan geshey
Dirta Waqooyi. Tani waxeey noqon doonta mid fajiciso ah oo dadkii la
siray quus ka dhigi dooonta. bal war ah laga sug nikii dhinac kasta
diidey.
Mudane Marshal