Col Tacabir: ” Magaca SSC Koox Dana Gaar ah Leh Ayaa Ku Qaraabata”
Ka dib Markii Mareegaha ku hadla afka kooxda Xaglatoosiye faafisay war lagus heegay in kooxdii SSC ee kala yaacday heshiis ku dhexmaray tuulada Dharkeyn ee gobolka Sool isla markaana internetka lagu faafiyey sawiro hal dhinac kaliya ka muuqdaan labadii garab ee ay isu hayeenn ayaa waxaa saxaafada la hadlay mid ka mid ah Saraakiisha militari ee gobolada SSC xubina ka ah ururuka Qurba jooga ee NSUM Col Maxamuud Cumar Cigaal (Tacabir).
Korneylka ayaa wareysi gaar ah siiyey Shabakada Ceegaag.com waxaana uu ka hadlay amuuro bafdan oo la xidhiidha mandaqada Sool,Sanaag iyo Cayn (SSC).
Kooxda SSC
Col Tacabir waxaa uu uga horeyn ka hadlay xaalada mandaqada SSC isagoo sheegay in ay goboladaasi u baahan yihiin caqli iyo aqoon balse ay koox dadka dhaqaalo ka uruursanay ay afduubeen magacii umada kuwaaso dhibaatooyin hor leh degaamada ula yimid, Waxaana uu tusale u soo qaatay dhinaca xoreynta isagoo sheegay isaka daa dhul la xoreeyee dhulkii hore ee nabada lagu daganaa ka saaray gacanta beesha.
Waxaa kale oo uu Col Tacabir ka dhawaajiyey dhibaatooyinka ka taagan Buuhoodle ee ay ku dhacayaan kooxdaasi gaadiidka beelaha deriska oo ay dariiqaka ka afduiubaan, waxa kaliye ee ay mandaqada ku soo kordhiyeena waa dhaqan xumo oo aan ahayn dhaqankii degaanka ayaa uu yidhi Col Tacabir.
Magaca SSC dadka mandaqadaa dega ayaa leh balse waa la afduubay oo waxaa dhacay koox dano gaar ah leh oo ku qudhaabaneysa ayaa dusha ku qaadatay oo dadka dhaqaalo kaga guranaya iyagoo ka faaideysanaya dadii degaanka oio shucuurtoodu kacsan tahay.
Maxamed Xasan Buraale
Waxaa uu col Tacabir ka hadlay hadalkii uu dhawaan jeediyey Maxamed Xasan Buraale oo horey uga mid ahaa ururka NSUM balse ku biiray kooxda Xaglatoosiye bilooyin ka dibna isku khilaafay Buuhoodle oo laba garab kala noqday.
Col Tacabir ayaa sheegay in ay Mr Buraale uga digeen kooxda Xaglatoosiye ku biirideeda balse uu ka dhaga adeygay maantana ay soo baxeen oo uu indhihiisa ku arkay wixii ay uga digayeen waqtigaa.
Xoreynta
Waxaa uu ka hadkay Korneylku dhinaca xoreynta degaamada la haysto waxaana uu eedeyn dusha uga tuuray kooxda Xaglotoosiye oo sahlay in degaamo ay ka mid tahay Widhwidh laga saaro gacanta beesha.
” Xuduudii aya ay Somaliland u sii balaadhsheen, dadkaasi ma ahan kuwa wax xoreynaya, imanka dadkii xoreyn lahaa degamadaas hawshooda waa lagu guda jiraa haddii ay ahaan lahayd saraakiil militari ama aqoon yahanba hawshaasi waa mid gacanta lagu hayo” ayaa uu yidhi Col Tacabir.
Col Maxamuud Cumar Cigaal waxaa uu ku nuuxnuuxsday in xoreyn la heli karo oo kaliya marka Sool,Sanaag iyo Cayn dadka ku nool ay mid yhiin oo ay ka mideysan yihiin fikirka xoreynta haddii aysan midnimo jirina waxaa uu sheegay in ay adag tahay sida xoreyn lagu helaa.
Buuhoodle
Col waxaa kaloo uu xusay in degaanka Buuhoodle uu lee yahay gole guurti oo ka kooban isimo,Cuqaal, Culimo iyo wax garad kale oo waligoodba talada loo daba fadhiisan jiray balse ay kooxda Xaglatoosiye ka hor timi golahaas iyagoo hor boodaya dad aan taageeraba ka haysan qabaailkooda.
Wareysigaa uu Col Tacabir siiyey Ceegaag ayaa taabanaya arimo badan oo quseeya mandqada SSC waxaa kaloo uu ka hadlay mawqifka ururka NSUM iyo qorshahoda ku aadan degamada SSC.
Wareysiga oo Dhameystiran halkan ka dhageyso.











Tacabirrow nin ani yidhi dad iska sooc ssc gartey inay wax isku daydey kuna fashilanatay nsum waa urur kale oo kasii liita ssc hadaanan khaldanayn hadaba ma qaab ururo ayaan isugu nimaadnaa mise qaab odeyaasha qabaailka waa aragnayoo midnimo iyo isu tanaasul waa la inaga la,yahay adna mahadaad nsum iyo wax kuwaa fashilmay ka liita faras u soo fuushey walee qudhaa xigi