Kooxda Xaglatoosiye oo hadalkii Garaad Abshir ka xumaatay hadalkaas oo uu ku taageeray shirkii xadhadhanka
Garaad Abshir saalax oo ka mid ah isimada gobalka cayn ayaa ka war bixiyey shir beesha guuleed garaad uga socday deegaamada xamar lagu xidh iyo balicad shirkaas oo lagaga wadahadalyey sidii beesha Guuled Garaad ay uga wada tashan lahaayeen deegaanka widhwidh oo ay qabsadeen ciidamada ka socda maamulka Somaliland iyo sidii loo midayn lahaa beesha barkad garaad islamarkaana ay mawqaf cad ugu qaadan lahaayeen kooxda Xaglatoosiye oo iyagu ku guulaystay in ay deegaanka widhiwdh gacanta u galiyaan ciidanka Somaliland.
Garaad Abshir saalax wuxuu ka mid ahaa sedexdii garaad ee ka qayb galay shirkii lagu soo dhisay kooxda Xaglatoosiye wuxuuna muda badan la mawqif ahaa garaad jaamac garaad cali oo noqday isimka hogaamiya jabhada aan colaad iyo nabad midna ku taxaluqin,garaad abshir oo bbc laanta afka Somaliga waraysi siiyey ayaa taageeray wadahadaladii madaxdhaqameedyada gobalka Cayn iyo bariga Burco ugu dhamaaday degmada xadhadhanka kuwaas oo ay kaga wadahadleen qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin sidii ciidanka Somaliland looga rari lahaa guud ahaan gobalka cayn.
Intii shirkaasi uu socday ayaa Kooxda Xaglatoosiye isku dayday in ay joojiyaan shirkaa iyagoo u diray dhalinyaro hubaysan oo deegaanka u dhashay kuwaas oo markii dambe la qabqabtay,kooxda Xaglatoosiye ayaan rabin wax wada hadal ah oo nabadeed oo aysan iyagu hogaanmintiisa mas’uul ka ahayn.
Hadalkan garaad Abshir ayaa ku soo beegmaya xili garaad jaamac garaad cali uu ku fashilmayo qorshihii uu ku doonayey inuu xidida u siibo maamul gobaleed puntand iyo shakhsiyaad ka soo jeeda beesha dhulbahante oo madax ka ah maamulka puntland ,garaad jaamac garaad cali ayaa hadafkiisa sare ku sharaxaya inuu midayanayo beesha dhulbahante una samaynayo maamul gooni ah,dedaalkaa garaad jaamac ku doonayo inuu ku dhiso maamul ssc la yidhaahda ayaan u muuqan mid hirgali kara marka la eego khilaafka beesha ka dhextaagan
Tan iyo markii uu dhacay shirkii buura wadal waxaa soo baxayey khilaaf baaxadweyn leh oo u dhaxeeya isimada ssc garaad jaamac garaad ismaaciil oo dhigay gogashii buurawadal ayaan wax saamayn ah ku yeelan gogashaas oo marki dambe uu kala wereegay garaad jaamac garaad cali.
Garaad jaamac garaad ismaaciil ayaa dhawaan socdaal uu ku tagay wadanka UK ka dhawaajiyey in beesha dhulbahante aysan u baahnayn wax dib u heshiisiin ah lakiin ay u baahantahay is fahansiin isago garaadku ka tagay oo ilaaway in beeshu in ay u baahantay turxaan bixin iyo is aaminaad,siyaasiyiin badan oo ka mid ah beesha dhulbahante ayaan la dhacsanayn sida garaad jaamac garaad cali uu wax u wado iyadoo la aaminsanyahay in garaad jaamac garaad cali ay ka dambeeyaan aqoonayahano ka soo jeeda beesha dhulbahante oo marar badan ku hungoobay siyaasada Somalia in ay hogaanka noqdaan iyagoo u filaya in maamulka puntland uu yahay ka ,ka hortaagan in ay madaxka noqdaan dawladaha dibada lagu soo dhisayo ee Somalia, dhibaatada ka taagan gobalada SSC maaha mid u gaar ah gobalkan oo kaliya laakiin waa arimo ay la qabaan qaybo badan oo ka mid ah wadanka Somalia laakiin ssc waxay noqonaysaa jabhadii ugu dambaysay ee Somalia taas oo siyaasiyiinta beeshu ku doonayaan in jago kaga helaan shirarka soo socda ee Somalia.
Siyaasiyiinta debadaha ka soo abaabulaya kooxda garaad jaamac garaad cali ayaan gefay in ay dejiyaan qorshe saxan oo nidaamsan oo ay kaga saaraan beesha dhulabahante maamulka puntland, islamarkaana ku mideeyaan beesha dhulbahante oo ay ku wajahaan siyaasada Somalia.
Garaad saalax oo bilo ka kor ay website yada taageera maqifka garaad jaamac garaad cali ku tilmaamijireen garaadada xalaasha ah ayaa hada lagu soo daabacay inuu ka mid yahay garaadada lagu sheegay in aysan habeeenkii shaqayn,garaadada xalaasha ah waxaa la baxay garaad jaamac garaad cali iyo garaad jaamac garaad ismaaciil iyadoo xalaashana loo la jeedo wuxuu ka soo horjeedaa maamulada puntland.











asaalucalykuma w/b,waxaan leeyahay reerka dhulbahante wax taalo iyo mowqifayleeyihiin ma jirto,maal ay u socdaana ma jerto,
waada argataa garadii dhulbahmate waxaay idaacadaha kaga hadlayaan,
falgada xaglatoosiye iyo saaxiibadii waxay dhulbahante u horseedeen dhibaato & isnaceyba, iyo dadkii tolka ahaa,oo ay isku dayayaan in ay fidmamo dhexdhigaan, gaarhaan reer-tolkeen majeerteen ,oo waxba inoo geysan,diyaana ii nooha inay in caawiyaan taa waxaa dalii,uha dagaalkii buhoodle& widh-widh waa dadka kaliya ee in caawiyey, markaa dhulbahantow -hadaa faroole is disheen reer puntland mah aha faroole oo kaliya, waan in aad kala baratan maamulka & dadka deegaanka.-maamulku wuxuu u dhexeyaa ummada weunta puntland, ee reer gooni-umalhaha, maaamulka maanta puntland ka jira waxaa doortey -dhulbahante, cidna ha eedyeyinana taas.
taalo guud
1- garaada dhulabahante la tasheedeen ismada puntland,iyaga-oo mideysan
talona leh, hadii khilaafka garadada la dhammeywaayo, ha-ubanadhegeen walaalahooda
2 in lamideeyo dadka reer puntland,gaar- ahaan dhulbahante
3 in dadka gudaha &banaanka joogaan u istaagaan immanimada puntland
4 in dhulbahante uu gartiisa qaataa oo iska iloobaay-riyadada-beentaha
4 dhlka maqan waxaa lugu soo celinkaara midnimada puntland. waayo waxaa meesha-googaa waa isaaq oo yam-yam &qadaaweyntiisababa wata.
wxaan ku soo gabagagabeynayaa wadatashigu waa horumar.
Garaad Abshir saalax waa wax garadka barkad, waajib kii saarnaa ayuu ka soo baxay,
ilaahay waxaan uga bar yayaa, in umadan uu dareen siiyo, micnaha ay nabadu lee dahay,
ADIGOO WAX KASTA NABAD KU HELAYA, MIYAA LOO DURBAAN TUN TAA, DHIB IYO QAXAR.
maanta inanka dhimanaya miyaanay ahayn in laga naxo,
kan xoolihiisii oo idil diray, ee hadana wax uu kanaxo maqlaya miyaanay aheyn, in xoolihiisa loo dhaqaaleeyo
waxay ila tahay, in xaglo toosiye uu isagu sidii lagu yaqaanay, qab qablayaasha somalia, uu doonayo in uu ku gor gor tamo., oo uu hadhoow, puntaland ama somaliland jago kaga helo.
Garaad Abshir saalax na waxa uu ku fahmay, arintaas, oo waxa uu fahmay, in masuuliyada beeshu u dooratay in ay tahay, in uu nabada ka shaqeeyo, beesha xaqeedana uu nabad ku soo celiyo, waxay ku qaldan tahayna ka celiyo. ilaahay hakula qabto ayaanu lee nahay,
garaadada kalena waxaan lee yahay, u istaaga, nabada, kashaqeeya, dajinta fidmada
DAB MUNAAFIQ SHIDAY, MUUMIN BAA KU GUBTA
hadii aynu nabada qaadan weyno, una yeedhano, qolooyinka afka duubtay, ee ubadkoodii iyo dalkoodiiba gubay, miyaynu ka faa iidaynaa,
jawaabtu waa maya,
Somaliland waa umad isu timid, wadankeenana inaga oo haysana ayaynu dhaqaale, kaga helaynaa, oo hay aduhu inoo imaanayaa, oo wax inala qabanayaan, maxaynu ku diidaynaa walaalayaal?
maanta se, ma soomaali weyn, aynu ku noqono ayaynu aragnaa,?
sow kuwa is dilay, ii dhibta aduunku ka taagan tahay,
waxay ila tahay, NIN WAX HAYSTAA, WAX LAGU DARSADAAYE, aynu somaliland wax la qabsano
meel kastoo aynu joognana ka shaqeyno, horu marinta bulshada dhulbahante
waa in aynu weerar ku qaadnaa, cadaw geena dhabta ah ee kala ah
1) caafimaad xumada
2 ) wax barasho la aanta,
3) shaqo la aanta,
4) guryo alaanta
taas ayuu dhulbahante, dadka wax kula qaysan karaa, mustaq balka dheer
dagaalku waa guul daro, waana bilawga dhib aduunyo, maanta Mogadishu ka waano qaata,
hadii dagaal wax tari lahaa, maanta Haawiye ayaa tusaale inoogu filan.
maamulka puntland hadii laga soo horjeedo denbi miyaa horta tan maawmulka puntland wuxuu ku guul dareystay soo celinta dhulka maqan oo w uxuu eedeeyay dadka degaanka isagoo ula jeeda xaabsade xaabsade haduu falaagoobay maxaa loo la dagaalami waayey sidii cadde loola dagaalamay.