Published On: 21 August 2010 2:05 am

Wariye CabdiRaxman Sahal oo ka Jawaabay Eedeyntii Sh:Maxmed Cabdi Umal.

Weriye Cabdiraxman Sahal oo ah Wakiilka Bogga Aljazeera ee Dalka Kenya ayaa ka jawaabay eedeymo dhawaan uu soo jeediyey Weriyaha Shiikh Maxamed Cabdi Umal.

Qoraalka Weriyaha Ayaa u qorna sidatan:

Anigoo ah wariye Cabdiraxman Sahal waxaan ka qaaday waraysi kooban Sheekh maxamed Cabdi Umal kaas oo laxiriira Heshiiskii dhaxmaray Jabhada WSLF iyo Itoobiya  29-7-2010, kadib waxaa lagu qoray webka:  :.aljazeera.net 17-8-2010, halkan ka akhri.

http://www.aljazeera.net/NR/exeres/EFCF590F-C47D-4FBC-9FAF-DDF04523D69F.htm

waxaa dhacday in  laga tagay qayb ka mid ah hadalka sheekh maxamed Cabdi Umal arimo la xiriira dhinaca farsamada owgeed, in kasta oo laqoray qaybihii ugu muhiimsanaa hadalkiisa,  taas oo  sheekhu aad uga  caraysiisay, laakiin  xiriir dhaxmaray aljazeera. Iyo sheikh Umal,, waxaa lagu daray hadalkiisii, qaybtii laga reebay markii hore,iyadoo la tixgalinayo codsiga sheekha.

Kadib markii la, fuliyay codsigii shekh Umal,  wuxuu soo saaray bayaan aad iiga yaabiyay, waxaana ka mid ahaa erayadiisa  ( run ahaantii waxaa dhacay wixii aan ku aqoon jiray wariyayaal  badan, isla markaana aan ka baqayay taas oo ah in hadalka loogu tasarufo oo loo dhigo kolba sida ayagu rabaan) wuxuu kaloo igu eedeeyay in waraysiga  aan ka qaaday in aan kalahaa, ujeedo ii gaar ah.

Sidaa darteed waxaan halkan ku cadaynayaa in eedayntaas , ayna sal iyo raatoona lahayn.

Mida kale waxaa kale oo uu sheegay in hadalkiisii xaga danbe laga raaciyay qola kale aragtidooda oo ay ku kala duwan yihiin sida uu sheegay qiimaynta Heshiikan, balse taasi waa faragali qayaxan oo aan loo baahnayn, warbaahintuna waxay xaq u leedahay in ay isu keento fikirdo kala duwan.

Waaxaan  aad ula fajacay warbaahinta qaarkood oo ku tilmaamay warbixintayda mid been abuur ah. taas waxaan leeyahay waa mid wax kama jiraan ah, waxaana xusid mudan in aan hayo waraysigii aan ka qaaday sheekh Umal oo qoral ah.

Waxaa jirtay hada ka hor in aan waraysi dheer ka qaaday sheikh Maxmed Cabdi Umal T:27-3-2010 waraysigaas oo uu sheekhu soo dhaweeyay markii lagu qoray Webka Aljazeera.net.

Halak ka akhri:

http://www.aljazeera.net/NR/exeres/45158492-A425-484D-877F-935F9A164BE6.htm

waxayna taasi cadayn u tahay in aan aniga ujeeda gara ah kala hayn cidna.

Qore: wariye: Cabdiraxman Sahal Yusuf

T: 20-08-2010 tell:  0722657313
Nairobi- Kenya.