Published On: 21 August 2010 5:30 am

Xaabsade oo si qarsoodi ah loogu darey Gudigii uu magacaabey Siilaanyo

Gudigii uu u magacaabey Ahmed Siilaanyo arimaha Laascaanood ayaa muran dhaliyey ka dib markii laga warheley in Xaabsade uu si dadban ugu jiro gudiga, Shir shaley ay isugu yimaadeen gudigaan ayaa la cadeeyey in Xaabsade dhex fadhiyey oo uu talooyin badan ka bixiyey.
Arintaan ayaa ka xanaajisey beesha dariska la ah Gobolka Sool oo horeyba aan  gudigaan lagu soo darin iyo iyagoo hal wasiir awalba laga siiyey golaha wasiirada uu Siilaanyo dhisey.
Gudigaan uu Ahmed Siilaanyo u magacaabey xal u helida arimaha Sool ayaa ka kooban
1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose
2. Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhiga  Axmed X. Cali Cadami
3. Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi
4. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Cabdirisaaq Khaliif Axmed
5. Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Mudane: Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed
6. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane: Cismaan Garaad Soofe
7. Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax
8. Fu’aad Aadan Cadde
9 Ahmed Abdi Xaabsade

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos