Garaad Abshir Saalax oo Mawqif Musharaf ah Qaatay
Waxaan halkan ka salaamaya bahda taleex.net waxaan si sharaf leh idinka codsanayaa inaad qormadan soo daabacdaan, aad iyo aad ayaan ula dhacsanahay qaabka aad wax u wadaa guuleysta halkaas ka sii wada.
Garaad Abshir saalax oo ka mid ah Isamada beesha dhulbahante ee sida weyn looga yaqaan gobolada soomaaliya ayaa waraysi dhinacayo badan taaban siiyay BBC-da laanta Af-Soomaaliga.
Garaadka ayaa ka warbixiyay shir dhawaanahanba ka socday deeganka Widhiwidh ee ay isku hardiyeen xoogaga difaacanaya deeganadooda iyo Ciidamada Somaliland ee sida xaqdarada ah duulaanka ugu soo qaaday dhulkaas.
Beesha Garaad Abshir ayaa noqotay beesha kaliya ee naf iyo maabal u hurtay inay deeganadooda ka hor istaagaan ciidamada weerarka ku ahaa, halka beelaha kale ee SSC aysan ku jirin hal beel oo si rasmi ah u soo diyaarisay ciidamo wax ku ool ah oo garabsiiya beesha garaad Abshir ee dagaalka culus kula jirtay ciidamada somaliland, marka laga reebo inay idaacadaha iyo website-da ay ku soo bandhigeen hadalo hoosta ka qaboow korkana ka kulul.
Dagaalo culus kadib iyo khasaare soo kala gaaray labada dhinac ayaa Madaxweynaha Cusub ee Somaliland ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay in wada hadal lagu xaliyo dagaalada ka taagan widhwidh.
Garaad Abshir ayaa soo dhaweeyay baaqa Madaxweyne siilaanyo wuxuuna hoosta ka xariiqay in marka hore deeganada ay xooga ku joogan ciidamada Somaliland ka baxaan oo dib ugu laabtaan meelihii ay markii hore ka yimaadeen.
Deegaanka Widhwidh ayaa ka madax banaanaa maamulada hargaysa iyo garoowe, wuxuuna ahaa mid ay beesha si madax banaan uga taliso, waxaase dhib ugu horeeyay markii lagu dagaal galiyay magaca SSC kadibna looga baxay.
Garaad Abshir iyo Cuqaasha beesha Barkad ayaa isla gartay inay aayaha deeganadooda ka tashadaan oo wixii ay nabad ku helayaan aysan dagaal ku raadin.
Website-da qaar ee ka shaqeeya kala geynta iyo isku dirka beelaha dhulbahante ayaa isla markiiba isku dayay inay hadalka Garaad Abshir si qaldan u adeegsadaan garaadka iyo beesha Guleed garaadna meel uga dhacay iyagoo leh ujeedooyin gurracan.
Marka la qiimeeyo mowqfka uu qaatay garaad Abshir ayaa ah mowqif musharaf ah oo dhinacyo badan ka shabaha heshiiskii Sulxul dudeeybiyah ee dhex maray Nabiga SCW iyo Gaaladii qureesheed, dad badan oo ay ugu horeeyaan akhyaartii saxaabada ayaa diiday oo u haystay heshiis dulinima ah waase la ogaa natiijadii ka dhalatay.
Dadka wax ma garatada ah ee meel dhow wax ka fiiriya ayaa u arki kara wadahalada garaad Abshir la sameeyay maamulka hargaysa mid wax u dhimaya wada jirka beesha dhulbahante, balse waxaa hubaal ah haduu ku guulaysto in ciidamada Somaliland dib uga gurtaan deeganadaas ay tahay guul dhiig la’aan ugu soo hoyatay beelaha SSC.
Sulaymaan Axmed Jaamac
sulaymaanj@gmail.com









