Published On: 22 August 2010 12:32 am

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Puntland oo ka hadlay dagaaladii Galgala

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha ee dowlada Puntland Jen Cabdilaahi Axmed Jamac (Ilka-jiir) ayaa si kulul u weerar maanta warbaahinta qaarkood wuxuuna ka hadlay daaaladii ka dhacay Galgala.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha ee dowlada Puntland ayaa beeniyey in dagaalada Galgala ay ku wajahan yihiin beel gaar ah wuxuuna hoosta ka xariiqay in reer Puntland ay wada dhasheen ayn isku masiir yihiin.

Wasiirka ayaa aad ugu  dheeraaday in la iska kaashado amaanka iyo in meel looga soo wada jeesto kuwa amaan xumida ka wada Puntland la iskana qabto taasna ay u baahan tahay midnimo.

Jen Cabdilaahi Axmed Jaamac “ilka jiir” ayaa waxaa uu sheegay in Puntland dulaan lagu yahay ayna difaaci doonaan deegaanadooda waxaana uu sheegay in dowlada Puntland aysan dan gaar ah ka lahayn dagaaladii ka dhacay Galgala  dagaalkana uu u dhexeeyo ciidamada Puntland iyo Al-shabaab.

Wasiirka ayaa khudbad ka jeedshay maanta munaasabad uu xilka kula wareegay Duqa Magaalada Garoowe C/casiis Nuur Cilmi.

Displaying 1 Comments
Have Your Say
  1. Mohamed .w.farah says:

    Dhamaantiin Asc. Haddii wax loo sheego oo misa runta
    loo sheego Dad beey meel bugtaa.

    Dadka leh oqoonta yo waayo argnimada
    waa la socdaan Dagaalka ka jira GalGal
    ineey soo qaadeen ururka Sharka iyo Fidnad
    ee Shaydan Shabaab. sida uu sheegay
    wasiirku. Maha Dagaal lagu jiro qabiil garaa ah.
    laakiin wax makastada iyo kuwo xambaarsan
    caadifad Qabiil baa ka been sheega sida wax u
    jraan. Atama Iyo inta la socota oo raba ineey dhibaato
    usoo mingurhaan Puntland. runtu waa taas.
    Marshaal.

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos