Published On: 24 August 2010 3:43 pm

Garaad Abshir: ” Waajibaadkoodii Ayey Ka Soo Bixiwaayeen,Mana Doonayaan in Degaamada La Haysto Xoroobaan” (Dhageyso)

Garaad Abshir Saalax ayaa si weyn u dhaliilay kooxda la magacbaxaday SSC ee uu hogaamiyo Xaglatoosiye isagoo intaa ku daray in ay ka gaabiyeen oo ay fadhiid noqdeen kana soo bixi waayeen hawshii loo igmaday.

Garaadka oo wareysi gaar ah siiyey Shabakada Ceegaag.com ayaa sheegay in ay beesha Guuleed Garaad go’aansatay in ay qaado talaabadii ay uga bixi lahaayeen degamada degmada Widhwidh hoos yimaada ciidamada Somaliland.

Garaadku waxaa uu waxkama jiraan ku tilmaamay war ay si xun u faafisay shabakada Xaglatoosiye afkiisa ku hadasha kaaos ay ku eedeysay in beesha Guuleed garaad u xuubsiimaneyso dhinaca Hargeysa .

Garaad Abshir waxaa uu ka mid ahaa seddexdii Garaad ee Nairobi ku sugna axilligii la sameeyey kooxda Xaglatoosiye ee ka soo cadhoostay natijadii Doorashadii Puntland.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Garaadka

Aljazeera: Shidaalka Puntland

BBC: Shidaalka Puntland

Videos