Published On: 24 August 2010 7:50 pm

Shirkadda Isgaarsiinta Telesom oo Deeq Gaadhsiisay Bukaanka Cusbatalka Laascaanood (Daawo)

Shirkada Telesom ee ku taala magaalada Laascaanood ayaa saaka Cusbitaalka guud ee magaalada laascaanood Gaar ahaaan qaybta TB-da & Bukaanadda kale gaarsiiyey deeq lacageed oo ay ugu tallo galeen dadka bukaanka ah ee qaba xanuunka TB-da & kuwo kale ee la ildaran xanuunada kala duwan

Wakiilka Shirkada isgaarsiinta Telesom ee Gobolka Sool C/risaaq Axmed Warsame Dhabayaco]ayaa deeqdaasi lacagta ah maanta si rasmi ah u gaarsiyey cusbitaalka guud ee magaalada Laascaanood,waxaana uu gacantiisa ku gudoonsiyey bukaano gaaraya 40 ruux cadad lacago ah oo u ugu tallo galay.

Lacagtan shirkada Telesom ugu deeqdey dadka bukaanka ah ee ku jira cusbitaalka laascaanood ayay masuuliyiinta shirkadaasi sheegeen inay lacagtan u bixiyeen fadliga bisha barakeysan ee ramadaan,waxaana sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin inay deeq lacageed maanta soo gaarsiiyaan dadkaasi bukaanka ah.

Waxaa goobta dadkaasi bukaanka ah deeqdaasi lacageed lagu gudoonsiinayey goob joog ka ahaa Masuuliyiinta Cusbitaalka laascaanood,waxaana ay aad ugu mahadnaqeen Maamulka Shirkada Telesom ee gobolka Sool & shaqaalaha kale ee shirkadaasi,waxaana ay ugu baaqeen inay sii wadaan tageerada ay u fidinayaan dadka bukaanka ah.

Sidoo kale waxaa goobta deeqdaasi shirkada telesom ku bixineysey hadalka kooban ka jeediyey Madaxda Qaybta TB-da laascaanood Dr Cabdi Maxamed Buraale oo sheegey inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko shirkada Telesom oo gacan bini aadamnimo u fidineysa bukaanka kala duwan ee ku jira cusbitaalka Laascaanood.

Maaha markii ugu horeysey ee shirkada Telesom deeq soo gaarsiiso bukaanada ku jira cusbitaalka laascaanood,waxaana jirtey inay hadda ka hor deeq tan oo kale ah soo gaarsiiyeen bukaanada ku jira cusbitaalka laascaanod.

Ugu dambeyntii bukaanadii maanta deeqda lacagta ah ay shirkada Telesom gudoonsiiyey ayaa sheegey inay aad ugu faraxsan yihiin deeqdaas shirkada Telesom soo gaarsiisey,waxaana ay sheegeen inay ilaahay ugu baryayaan inay horumar la taaban karo ka gaarto tageerada ay u fidisey.