Published On: 25 August 2010 12:29 am

Riwaayad Metelaysa Siyaasada Beesha Dhulbahante

Labadii dabagaale Aniga Iyo Aniguna

tusaale: Dhulbahante

Waxaa jiray bahal leh 18 madax iyo hal calool oo ka dhaxaysa; madaxwalba wuxuu gaar uleeyahay Af, Ilko, dhego, Carab San,Maskax, Iyo dhaman dareemayaasha kale. waxa keliya ee Kadhexeeyaa madaxyada waa ( digestive Seystem)ka

Shuruudaha Noloshooda;

1—madax-kastaa wuxuu umadaxbanaanyahay Geedkii uu dhadhankiisu kahelo
2— Geedkastaa wuxuu daaqikaraa, xilligii uu doono wxii uu cuno wuxuu geynayaa Caloosha halkaas ayaa wixii nafaqo ah loogu kala dirayaa xunaha jidhka ee isukeen haya si jiritaan-keenu kaamil u ahaado
A—Madaxna masoo cunikaro wax caloosha iyo caafimaadka guud waxyeelaya

3– haday dhacdo in madax kamida madaxyada inuu ku kaco arrintaas ,waxaa lagudboon madaxyadakale
b– iney siiyaan digniin kama dambaysa, in haduu diido ay xaq u leeyihiin iney iska gooyaan si ay noloshooda usii wataan

Inkastooy Madaxyadu isleekaayen markii -hore; hadana midkamida ayaa dhumuc ahaan iyo dherer isku darsaday waxana lagu naaneysa marka laxamanayo( dhako-Balaadh) Sikasta ha ahaatee maalin maalmaha kamida ayaa waxaa sheekaystay( dhako balaad ) iyo madaxii madax ahaan ugu xigay, dhako balaad ayaa ka sheekeeyey geed uu beryahan cunayey dhadhan kiisa ,macaankiisa,iyo caafimaad ka uu kahelay

Muranle oo ahaa madaxii marna ay deriska ahaayeen weydiiyeyna suaasha ahayd waxa dhako balaadh loogubixiyey?
ayaa dhako balaadh weydiiyey inuu usheego geedka uu cuno iyo inuu tuso geedka meeshu kuyaal iyo magaciisa, balana ku qaaday inaanu madaxyada kale usheegayn ee isaga keligii uun cuni doono.

dhako balaadh oolayaaban caqliga muranle ayaa ugu jawaabay warninyoho arintu waa sir aniga ii gaara inaan cid usheegana marabo dastuurkeenana kuma jirto, midakale waynu sheekaysaneynaye iskumaynu ogayn inaan is xujayno oo waxwalba isweydiino arrintaasina way kabaxsantahay reermagaalnimada iyo shuruucda caalamiga ah labadaba. xataa waxaad weydiisaa bini aadamku xeer buu kaleeyahay arrintaa.

Muranle oo kaxun jawaabta iyo aqoonta dhako balaadh uleeyahay shuruucda bahala iskadaaye tan biniaadamka lana yaaban xooga qoortiisa iyo quruxda jidhkiisa, ayaa isagoo xanaaqsan ku jawaabay walee hadaadan iisheegin geedkaa aday dan kuutahaye waxaadan waxkale arkayn–

dhako balaadh oolayaaban caqli xumada murale ayaa yirhi maxaad kawadaa waxkale? Murale anniguna waxaan soo cunayaa geed aad ku dhimatid illeyn isku calool baanahay waxaan soo cunaana calooshey toos utegayaan mana joojinkartid dabadeed halkaas ayaad ku dhiman hadaad iisheegiwaydo. dhako balaadh waad iska hadashay horta hadaad sun soo cunto aniga keligay wax iyeelimayso .

16ka madax iyo adiguba ka bad baadi maysaan wixii aad kamaarmi waydo samee.
murun badan kadib waxaa maqlay madaxyadii kale intey joojiyeen wixii ay sameynayeen ayey markeliya qoorta soowareejiyeen, dhegeysteen murankii labada madax dhexmaray iyagoon waxba kala orana hawshoodii siiwateen.

Ayaamo kadib muranle wuxuu xidhiidh lasameeyey bahalo kale wuxuu usheegay
baahida uu uqabo suntaa, hadday weydiiyeen faa iidada ugu jirtana wuxuu usheegay
in isaga iyo 16 madax calooli kala dhaxayso madax kamida madaxyadakalena
ka xoog iyo caqliba badan yahay sidaa darteed, hadaan ku guulaysto inaad madaxaa waxaan kudil;ilahaa iga caawisaan inaan aniguna abaal ahaan idiin siin doona madaxyada kale marba kaad doontaan ilaa aan anigu meesha kusoo hadho.

Heshiiskii-Kadib

Muranle suntii ayuu sixun uga soo dhergay isagoo maanka ku haya xooga iyo caafimmadka dhako balaadh, kana cabsi qaba insuntu waxba yeeli kari waydo.
dhaka balaadh. in kastoo suntii saaqday madaxyadii kale haddana muranle oo aad uga soo dhergay caqligana ku haya( dhaka -balaadh )haduu kakaco suntaas inuu awood uleeyahay in isaga iyo madaxyadakale kuwada heshiiyaan in muranle layska gooyo.

gebogabadii 16kii madax inkastooy khatar galeen waxay uyimaadeen dhako balaadh oo aad iyo aad u caafimaad qaba isagoo markaa qaad cusub soo qaatay gurigiisiina marti badani joogto arrinta laga hadlayaana tahay sidii loo badbaadinlahaa madaxyada oo dhan, isagoo aan soo hadal qaadin madaxii sunta soo cuney, taasoo dhawrjeer lawaydiiyey hadana dhaka -balaadh wuu kagaabsaday arrintaa isagoo ka fekeraya jiritaanka madaxyada kale iyo in aaney arrintu halkaa dhaafin lana ogaan colaada muranle uqabo dhakhabalaad.

Lasoco qaybta labaad
Qore Kamal Digaale

Displaying 1 Comments
Have Your Say
  1. cawaro says:

    kamaaloow maad 17 madax jartid hal caafimaad qabaa ha soo haree