Published On: 27 August 2010 12:03 pm

Siilaanyo oo jagooyinkii Xukuumadiisa ku safay beeshiisa Habar Jeclo

Liis uu soo saaray Madaxweyne Siilaanyo ayuu ku magacaabay 23 jagooyinka dowladda taas oo sagaal ka mida,kuna asteeysan xilal waaweyn ay yihiin beesha uu ka dhashay ee Habar Jeclo.

Taliyaha Sirdoonka ,Taliye ku xigeenka Asluubta,Maareeye ku xigeenka dekadda Berbera iyo taliye ku xigeenka Berbera ayaa ka mida xilalka uu la caashaqay shaqsiyaad ku reera.

Taliyaha Sirdoonka  ayaa ka mida jagooyinka laga maagay sida uu nin reerkiisa,Xuseen Kenyaatta ugu magacaabay.

Xuseen Kenyaatta oo ahaan jiray Agaasimaha lacagta,aqoona u lahayn shaqada sirdoonka waxaa hore shaqada kaga eryay  Dahir Reyaale Kaahin