Dood Cilmiyeed ku saabsan hanaanka waxdhigidda cusub oo lagu soo gaba gabeeyay Jaamacadda Nugaal ee Laascaanood
Waxa maanta lagu so geba gabeeyay hallka shirarka ee Jaamacadda Nugaal University ee Laascaanood dood cilmiyeed ku saabsan habka wax dhigidda cusub ( New Teaching Methodology) waxana soo jeediyay oo facilitator ka ahaa Professor Yuusuf Ismaaciil Bulaale waxna ka bartay Aston University of Birmingham UK PHD holder oo wax ka dhiga Jaamacaddo ku yaala wadanka UK gaar ahaan magaalada Birmingham sidoo kalena macalin ka soo noqday jaamacado ku yaaal wadanka Malaysia
Ugu horrayn waxa lagu furay aayadaha qur’aanka kariimka ah iyo wacdi kooban, oo uu ku furay G/xigeenka Jaamacadda Dr. C/naasir Maxamed Barre (Abu_Sheybe) intaa ka dib lecturer Professor Yuusuf Ismaaciil Bulaale ayaa guda gulay lecture ka wuxuuna dr. ku sheegay sababta uu keentay inuu ka jeediyo maanta lecture kan ku saabsan hanaanka wax dhigidda cusub isagoo arkay baahida loo qabo barnaamijkan oo la siiyay macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada magaalada Laascaanood, isla markaana marba marka ka dambaysa la casriyaynayo lana qaadanayo hanaan cusub oo ku saabsan wax dhigidda si loo casriyeeyo tayada wax dhigidda.
Intaa ka dib, waxa laga dooday dariiqyada wax loo dhigo iyadoo mid kasta laga dooday goorta la isticmaalo aakhirkiina xooga la saaray habka loo yaqaan inquiry/inductive teaching method taas oo ah in ardayda loo gudbiyo ka dibna
ardaygu ka sameeyo falan qayn lana wadaago macalinkiisa.
Eeg shaxda hoose oo tilmaamaysa hanaankan inquiry/inductive teaching method:
Waxaynu ka soo qaadan karnaa hanaankan la soo bandhigay qodobadan:
1. Lecture method
2. Brainstorming metho
3. Supervised study method
4. Small group discussion method
5. Questioning method
6. Role play method
7. Game play method
8. Field trip method
9. Inquiry/inductive method
Hadaba, dood cilmiyeedan ayaa socotay muddo 3 casho ah laguna soo gaba gabeeyay hallka shirarka ee Jaamacadda Nugaal ee Laascaanood, iyadoo macalimiintii barnaamijkan ka faa’iidaystay ay aad ugu riyaaqeen aqoon is weydaarsigan isla markaana tibaaxay inay uga faa’iideyn doonaan ardayda ay wax baraan una gudbin doonaan duruustii ay ka dheegteen macalinka soo jeediyay ee Professor Yuusuf Ismaaciil Bulaale.
Jaamacada Nugaal ayaa mudooyinkii u dambeeyay ay si xawli ah uga socdeen aqoon is weydaarsiyo la xidhiidha kor u qaadka aqoonta iyo tayada waxbarashada Gobolka Sool gaar ahaan xarunta Gobolka ee Laascaanood.
Si kastaba ha ahaatee, dood cilmiyeedda ayaa ahayd mid ay dhamaan macalimiintii iyo ka soo qayb galayaashuba u riyaaqeen kuna farxeen waxayna dood cilmiyeeddu ku dhamaatay si habsami iyo hanaan wanaagsan ku salaysnayd..
Subeyr Cismaan Idiris
Laascaanood
Subeyr1425@hotmail.com










