Ciidankii Horay SSC u aaday oo dib ugu soo laabtay puntland
Xeradda Ciidanka ee 54-aad ee ku taala duleedka magaalo madaxda Puntland ee Garoowe ayaa waxaa ku soo xaadiray saaka waabarigii ciidan gaadhaya ilaa 67 askari oo horay uga tisanaan jiray Ciidamadda daraawiishta ee Puntland kuwaas oo bilihii la soo dhaafay u goostay dhanka Buuhoodle ka dib markii ay khaldeen koox aan wax garad ahayn oo adeegta Xaglotoosiye .
Ciidankan ayaa dhamaantii waxuu ka soo jeeda beesha Dhulbahante gaar ahaan Gobolka Cayn waa sida ay noo xaqiijiyeen saraakiishii wadatay ciidankaas.waxaa isa soo taray burburka ku imanay kooxdii xaglaotoosiye uu horkacayey kuwaas oo hagardaamo u gaystay Xoorayntii laascaanood sababayna in la qabsado Widhwidh iyo bali hadhac oo ka tirsan Gobolka Cayn ee Puntland.
Saraakiisha ciidamada daraawiishta ee Xerada 54 aad ayaa xaqiijiyey soo laabashada Ciidamadaas waxaana la hadlay saraakiisha xeradaas oo halkasi ugu khudbeeyey ciidamdaasii.
Ciidamadan ayaa dhawr bilood ka hor ay Garaadada dabada ka wada Xaglatoosiye kula hadleen magaalada Tukaraq xilligaas oo ay ku wargeliyeen in beelaha Sool,Sanaag iyo Cayn ay ku midawbeen maamul ka madaxbanaan Puntland kuna wargeliyeen in ay dawladaa u noqdaan ciidan hase ahaate qaar ka mid ah ciidmaadan ayaa Taleex Media u sheegay in lagu qalday mashruuca dhaqaala doonka ah ee ay wadaan Xaglatoosiye iyo kooxdiisa.










