Wakiilkii Ethiopia u Fadhiyey Hargeysa oo Isaga Baxay
Wararka laga helayo magaalada Hargaysa ee Xarunta Maamulka Somaliland ayaa ku soo Waramaya in Wakiilkii Itoobiya joogay Maamulka Somaliland uu isaga baxay magaalada Hargaysa isagoona gaadhay magaalada Addis Ababa ee Xarunta Wadankaasi Ethopia oo dib ugu laabtay.
Tagitaanka Wakiilka Ethopia ee magaalada hargaysa ayaa lagu sheegay khilaaf xoogan oo soo kala Dhexgalay Wakiilka iyo Madaxwaynaha Maamulka somaliland Axmed Siilaanyo, khilaafkaasi oo Todobaadkani Warbaahinta iyo jaraa’idku siwayn uga hadlayeen Waxna khilaafkooda lagu sheegay arimaha siyaasadeed oo ka diiday Madaxwayne siilaanyo dawlada Itoobiya oo horay sxb ula ahayd Madaxwaynihii hore ee Riyaale.
Warbaahinta Maamulka Somaliland ayaana siwayn haatan uga hadlaysa Khilaafkani Waxana la iswaydiinayaa halka uu ku danbay doono iyo Waxyaabaha keenay inuu Madaxwayne Siilaanyo ka hor yimaado Danaha Xukuumada itoobia ay ka leedahay Maamulka Somaliland.










