Uganda oo Somalia u Direysa 10 Kun oo Asakari Haddii Dhaqaalaha Laga caawiyo
Dowlada Uganda ayaa daboolka ka qaaday inay Somalia u dirayso 10,000-askari oo ku biira ciidamada AMISOM oo dagaal ay ku difaacayaan DF kula jira Xisbul Islam & Al-shabaab oo doonaya inay xukuumada afgambiyaan.
Taliyaha ciidamada dalka Uganda Maj.Gen. Aronda Nyakairima oo ay soo xigteen warbaahinta Kampala ayaa sheegay in Uganda ay go’aansatay inay ciidamo dheeri ah u dirto dalka Somalia, si looga hortago khatarta kooxaha dagaalka kula jira DF.
“Go’anka ciidamada dheeriga ah ugu dirayno Somalia waa mid dhameystiran, waxaan xugaynaa oo keliya amar kasoo baxa Madaxweynaha” ayuu yiri sarkaalkan oo intaas ku daray inay sidoo kale ka wardhowrayaan yaboohii Mareykank uu horay ugu fidiyay AMISOM.
Saxaafada dalka Uganda ayaa maanta oo Salaaso ah baahisay warkan, waxaana tani ay ka dhigaysaa ciidamada Uganda kaga sugan Somalia 14,000-askari oo nabad ilaalin ah.
“Waxan Somalia u diraynaa ciidamo kayd ah oo aan horay howlgalo nabaded uga sameyn caalamka, waxaan filaynaa inay ku guuleysan doonaan xasilinta Muqdisho oo ay dagaalo ka dhacayeen todobaadkii lasoo dhaafay” ayuu yiri Maj.Gen. Aronda.
Dowlada Somalia iyo dalalka IGAD ayaa horay uga dalbay beesha caalamka inay qayb ka qaadato xasilinta dalka Somalia, iyadoo AMISOM iyo DF ku taageeraysa qalab ciidan iyo dhaqaale.
Uganda ayaa hadalkan jeedisay iyadoo madfac ku dhacay Villa Somalia shalay uu dilay 4-askari oo ka mid ah 4,000-ciidan ee kaga sugan Muqdisho, kuwaasoo ka amarqaata Midowga Afrika.
“Waxaa naga go’an inaan naf iyo maal u hurno difaacno DF, mana joojinayno inta aan ka saarayno Muqdisho Al-shabaab oo ay ka barbar dagaalamayaan kooxo Ajnabi ah” ayuu Maj. Barigye Be-huko oo saxaafada Muqdisho u waramay Isniintii.
Dagalada ka socda Muqdisho ayaa waxaa ku baaqay Al-shabab oo sheegtay inay dalka uga saarayso AMISOM iyo DF, waxaana kooxahaas ay ku sugan yihiin hadda meel ku dhow Villa Somalia oo ah xarunta weyn ee dowladu ka dagan tahay Muqdisho.










